Maxaa xiisa beeliyay Doorashada Hogaamiyaha & ku xigeenka

Magaalada Jowhar waxaa maanta ka dhaceysa Doorashada Hogaamiyaha & ku xigeenka DG Hir-Shabeelle oo aan ka muuqan loolan xooggan sida looga bartay doorashooyinkii horay uga dhacay Magaaladaas.

Xalay Magaalada kama dhicin kulamo sidaas u weyn, maadaama musharixiinta maalinta doorashada habeenkeeda looga bartay in ay raadiyaan Xildhibaannada Codeyna si ay usii helaan xubno lagu tashan karo.

Doorashada Hogaamiyaha waxaa isu-soo taagtay labo Musharax oo kala ah Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe & Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan, halka Hogaamiye ku xigeenka labo kale ay isu diiwaangelisay waana Yuusuf Axmed Hagar Dabageed & Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere).

Hogaamiyaha & ku xigeenkiisa waxaa labada qaanad ku kala jira labo ruux oo aad loola xiriirinayo in ay wadato DFS waana Cali Guudlaawe oo Hogaamiyaha ku haminaya & Yuusuf Daba-geed oo ku xigeenka daneynaya.

Marka xaal uu halkaas joogo, Dadka sida gaarka ah ula socda Doorashada iyo howsha ka socota Hir-Shabeelle waxa ay sheegeen in laga tusaale qaadan karo Doorashadii Guddoonka Baarlamaanka oo ay kusoo baxeen shaqsiyaad lasii magac hayay.

Cali Guudlaawe & Yuusuf Daba-geed labaduba culeys siyaasadeed ma saarna, waana labada ruux oo ay sii saadaalinayaan Siyaasiyiinta ka hadleysa Doorashada, inkasta natiijada rasmiga ah la ogaan doono marka doorashadu soo idlaato.

Haddii Doorashada ay u dhacdo sida loosii saadaalinayo, isla markaana ay waafaqdo tii Guddoomiyaha Baarlamaanka & labadiisa ku xigeen waxa ay noqon doontaa “Nin Dooran hala doorto”!

Haddaba, Maxaa xiisa beeliyay Doorashada Hogaamiyaha & ku xigeenka Hir-Shabeelle?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More