“Al-Shabaab Dagaalka aan la galnay waxa ay u weecisay
Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug Axmed Shire Falagle oo ka hadlay Dagaal Beeleedyada & dilalka aanooyinka ay amreen Al-Shabaab, sabab la xiriirta in ay ku wiiqaan awoodda Militari ee DFS iyo DG Galmudug.
Wasiir Falagle ayaa u digay Odoyaasha dhaqanka, Haweenka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada & shaqsiyaadka kale ee ku lugta leh abaabulka, buun-buuninta iyo garab istaagga dagaal beeleedyada.
Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug ayaa Hay’adaha Shaqada ku leh garsoorka & sirdoonka ku wargeliyay in ay dabagal ku sameeyaan shaqsiyaadkaan, laguna hubsado ilaa maxkamad si gacan adag loogu qabto.
“Markii aan guulo ka gaarnay Al-Shabaab waxa ay culeys Beelaha ku saarayaan sidii ay u dagaalami lahaayeen, Koofurta Mudug & deegaannada kale waxaa ka dhacay dagaallo lagu wiiqayo baacsiga cadawga, sidaas awgeed cid kasta oo ku lug yeelata waala maxkamadeyn doonaa” Wasiir Falagle.
Duleedka Magaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay Ciidamada Xoogga qaybta 21-aad, kuwa Galmudug & Al-Shabaab.
Axadle.