Jack Grealish Oo Ka Farxiyey Man City, Qishkii U Weynaa Oo Uu Bixiyey

Jack Grealish ayaa ka farxiyey Manchester City saacado kaddib markii la sheegay in dalab £100 milyan oo Gini uu soo gaadhay Aston Villa, xilli labada kooxood ku wada jiraan wada-hadallo maalintii labaad galay.

Manchester City ayaa si weyn u doonaysa Jack Grealish, waxaanay warbaahinta Ingiriisku sheegeen in £100 milyan oo Gini ay dul-dhigtay laacibkan, balse wali lama helin jawaabta ay Aston Villa bixisay.

Khabiirka suuqa iibka ee Fabrizio Romano ayaa xaquujiyey in Jack Grealish uu tegi doono Manchester City, isla markaana aanu jirin farqi u dhexeeya labada kooxood.

Fabrizio Romano oo ka hadlay wada-hadallada Man City iyo Aston Villa ee ku aaddan Jack Grealish ayaa yidhi: “Manchester City waxay hadda wada-hadallo toos ah kula jirtaa Aston Villa oo ay ka doonayso Jack Grealish. Wada-xaajood heshiis lagu gaadhayo ayaa socda, waqti dheerna ma qaadan doonaan, go’aan ayaanay gaadhi doonaan maalmaha soo socda.”

Kaddib xogahan, Jack Grealsih ayaa bixiyey qish ka farxiyey Pep Guardiola, uuna kooxdiisa Aston Villa ugu sheegay in uu tegayo Manchester City.

Jack Grealish ayaa waxa uu maanta masaxay ama tirtiray dhamaan qoraalladii uu hore wax ugaga sheegay Manchester City ee ku jiray bartiisa bulshada ee Twitter-ka, kuwaas oo ay ku jireen qoraallo uu guul-darro ugu rajeeyey City xilli ay wada ciyaarayeen Manchester United.

Tallaabadan uu qaaday Jack Grealish ayaa waxay muujinaysaa in uu doonayo inuu tago Manchester City oo uu xilli ciyaareedka dhowaanta bilaabmaya u ciyaaro.

Grealish deleted the tweet looooool pic.twitter.com/pDBgjhgFhS

— Wildman ??? (@Wildman_HUGR) July 30, 2021

Jack Grealish made it clear who he wanted to see win the league in 2012 #mufc #mcfc pic.twitter.com/NGDEt5FP1g

— Man United News (@ManUtdMEN) July 30, 2021

Man City ayaa waxay xagaagan bartilmaameed ka dhigatay Jack Grealish oo ay muuqato saansaantii ay ku heli lahaayeen iyo Harry Kane oo isaga xaaladdiisu aanay dhinacna u dhicin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More