Maxay tahay Cabsida ku gadaaman in Trump ciidankiisa uu kala
Qorshayaasha uu Mareykanku ku doonayo in uu ciidamadiisa ugala baxo Soomaaliya ayaa waxa uu walwal ku abuuray saaxiibada ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah xoogga hubaysan ee loogu yeero argagixisada ee Soomaaliya ka socda, iyada oo laga codsaday Xukumadda Washington in ay dib uga fiirsato go’aankeeda.
Waxaa jiray warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu ka codsaday la taliyayaashiisa sare ee amniga in ay dejiyaan qorshaha ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya si loo fuliyo balanqaadkii ololihiisa ee 2016 ee ahaa in askarta Mareykanka laga soo celiyo dalal ay ka mid yihiin Afghanistan, Syria, iyo Germany.
In kasta oo qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya uusan wali aheyn mid la taaban karo, hadana wuxuu uga tagi karaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) mid aan waxtar badan laheyn, iyadoo la ogsoon yahay in ciidamada Mareykanka ay si weyn u ilaalinayeen howlaha cirka ee dhaqdhaqaaqa Al Shabaab ayna ka caawinayeen duqeymaha xagga cirka ah iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Hogaamiyaha Soomaaliya Cabdullaahi Muxamed Farmaajo ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dowladdiisu ay dooneyso in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan. “Taageerada militari ee Mareykanku siiyo Soomaaliya waxay noo suuro galisay inaan si hufan ula dagaalano Al Shabab una sugno amaanka Geeska Afrika. Guul laga gaaro socdaalkan iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa lagu gaari karaa oo keliya iskaashi joogto ah oo xagga amniga ah iyo taageerid dhisidda awoodda ”ayuu ku yiri Twitter-ka,Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo udhaxeysa 600 ilaa 800 oo askari kuwaas oo si dhow ula shaqeeya Amisom iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) ee la dagaalanka Al Shabaab.
Sidoo kale waxa ay taageero dhaqaalle iyo mid tababar siiyaan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ku waas oo beegsada Saldhigyada Al Shabaab ee goboladda Jubbada hoose, Shabeellaha dhexe, Shabeellaha hoose iyo goboladda Bay iyo Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFICOM) wuxuu gacan ka geystey aasaasidda unug caan ah oo ka-hortagga weerarda Al Shabaab , oo loo yaqaan ‘Danab Advanced Infantry Brigade’ oo ay ciidamada Mareykanka ka caawinayeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ciidamada Mareykanka waxa ay sidoo kale la shaqeynayeen AMISOM, gaar ahaan Ciidanka Kenya oo ka caawiyaan, weerarada ka dhanka ah Al Shabaab ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.
Afhayeenka AMISOM Col Charles Okongo Ambiakha ayaa u sheegay wargayska The EastAfrican in ay u taalo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabada iyo Amaanka ee Midawga Afrika si ay u siiyaan hagitaan ku wajahan wadada ay kA bixi karaan ciidamada Mareykanka si aan dayac amaan u dhicin ayuu sheegay.
“Si kastaba ha noqotee, anaga AMISOM ahaan waxaa naga go’an inaan fulino waajibaadkeena sida ku xusan Qaraarka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay 2520 (2020), annaga oo isku diyaarinayna inaan ku wareejinno mas’uuliyadda amniga Ciidamada Amniga Soomaaliya ugu dambeyn December 2021,” ayuu yiri Col Ambiakha.
Qaraarka UN
Go’aankii 2520 ee la soo saaray bishii Maajo iyadoo la xusayo in xaaladda Soomaaliya ay weli khatar ku tahay nabadda iyo amniga caalamiga ah, ayaa lagu faray in AMISOM ay ilaaliso soo dejinta 19,626 shaqaale labisan ah illaa iyo Febraayo 28, 2021, oo ah xilliga ay tahay in ciidanku ay howsha bilaabaan. in si buuxda ay uga baxaa Soomaaliya tan iyo markii ay soo gashay dalka 2007.
Tan waxaa ka mid ah ugu yaraan 1,040 shaqaale booliis AMISOM ah oo ay ku jiraan shan Unug oo Booliiska Soomaaliya tababara, si ay u taageeraan u diyaar garowga amniga ee doorashooyinka 2020/21 iyo dhameystirka qorshaha ku wareejinta amniga ciidamada amniga Soomaaliya.
In kasta oo ciidamada AMISOM ay bartilmaameedsadeen saldhigyadda Al Shabaab, hadana Xoogga hubaysan ayaa bishii Janaayo 2020, waxa ay weerareen saldhig militari oo Mareykan iyo Kenya ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Manda Bay ee Lamu, halkaas oo ay ku dileen hal askari oo Mareykan ah iyo labo qandaraaslayaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca. Bishii Sebtember, Agaasimaha Sirdoonka Mareykanka ee Afrika, Heidi Berg, ayaa walaac ka muujiyay in Al Shabaab ay ku sii faaneyso beegsiga ciidamada Maraykan.
Qorshaha bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya
16-kii February 2019-kii, taliyeyaasha milatari ee AMISOM waxay isla meel dhigeen arrimaha hawl gallada sida loo fulinayo iyada oo la raacayo xeerka hawl gallada ee 2018-2021, kaas oo la ansixiyey 26 November 2018-kii, isla markaana uu aqbalay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, 9 February 2019-kii.
Sida uu dhigayo xeerka hawlgallada, AMISOM waxay wadi doontaa bixitaankeeda iyo ku wareejinta masuuliyada ciidamada Soomaaliya mudadaa la cayimay:
Akademi milatari oo Muqdisho ku taala ayaa lagu wareejiyey Ciidamada dawlada federaalka ah 28 February 2019. Illaa 500 oo ah ciidamada Burundi oo halkaasi fadhiisin u ahayd ayaa meel kale loo raray. 200 oo ka mid ah waxa la geeyey Maslax oo 20km dhanka bari ka xigta Muqdisho iyo 300 oo Jowhar la geeyey iyo saldhigyada hawlgallada jiida hore ee qaybta 5-aad.
Bishii February 2019, qiyaastii 1,000 ciidamada Burundi ah oo fadhigoodu ahaa Hirshabeelle ayaa bilaabay bixitaankoodii qorshaysnaa taas oo waafaqsan shuruudaha ku yaalla faqrada 5-aad ee qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2431 (2018), bixitaankaa waxa la dhamaystiray 5 April 2019.
Hadaba DFS ma u diyaarsantahay in ay la wareegto amaanka dalka?