Switzerland Oo Rikoodheyaal Ku Garaacday France, Mbappe Oo Reebay

Xulka qaranka France ayaa ka hadhay tartanka Euro, waxaana rikoodheyaal ku garaacay Switzerland oo waqtiyadii dhamaadka keentay goolasha barbarraha.

Faransiiska oo ahaa dalka koowaad ee loo saadaalinayay koobka, ayaa waxa la degtay oo saaxadda ka saartay Switzerland oo ka mid ahayd dalalkii afarta ahaa ee kaalmaha saddexaad ka galay hormooyinkooda ee xagga dambe lagaga soo daray kooxihii u gudbay wareegga 16ka.

Switerland ayaa wareegga siddeedda ugu gudubtay guul rikoodheyaal 5-4 ah, iyadoo uu Faransiiska rikoodhihii ugu dambeeyey ka khasaariyey weeraryahankooda Kylian Mbappe.

Xulka qaranka Switzerland ayaa ku horreeyey tuurashada gool-ku-laadka ama rikoodhaha, waxaana u bilaabay laacibkii goolka barbarraha daqiiqaddii u dambeysay u dhaliyey ee Gavranovic, waxaana sidiisa oo kale dhaliyey afartii ciyaartoy ee ku xigay oo aanay ku jirin laacibiintii waaweynaa ee Xhaka iyo Shaqiri.

France oo yeelanayay laadka ugu dambeeya, ayaa waxa masuuliyadda xambaartay Kylian Mbappe oo doortay inuu noqdo ciyaartoyga rikoodhaha ugu dambeeya laadaya, waxaanu toogtay dhinaca midig, hase yeeshee goolhayaha Swiss-ka ee Yann Sommer ayaa ka qabtay. Sidaas ayay guushu ku raacday Switzerland.

Xulka qaranka Switzerland ayaa daqiiqaddii 15aad ka naxsaday France, waxaanay ka dhaliyeen gool uu u saxeexay weeraryahankooda Haris Seferovic, waxaanay qaybta hore ku dhamaatay goolkaas madiga ah.

Qaybtii labaad ayaa Switzerland loo dhigay rikoodhe VAR looga, waxaana kubadda qaatay Ricardo Rodriguez oo lugta midig u adeegsaday isagoo toogtay dhinaca midig, hase yeeshee goolhaye Hugo Lloris ayaa badbaadiyey.

Fursaddaas qaaliga ah ee ay iska lumiyeen Switzerland ayaa waxa kusoo noolaaday Faransiiska oo uu daqiiqaddii xigtay uu goolka barbarraha u keenay Karim Benzema oo kubad uu Kylian Mbappe u dhiibay kala dhex-baxay difaaca, isla markaana dhaafiyey goolhayaha.

Iyadoo aanay farxaddiiba dhamaanin, France ayaa laba daqiiqadood kaddib keenay goolka labaad oo uu isagana u dhaliyey Karim Benzema, waxaana mid saddexaad oo masaafo fog uu ka toogtay u raaciyey Paul Pogba.

Kubadda ayaa intaa wixii ka dambeeyey waxay u wareegtay dhinaca Switzerland, waxaana gool labaad u dhaliyey Seferovic, hase yeeshee daqiiqaddii 90aad ayay Switzerland heshay goolka saddexaad ee barbarraha oo uu u dhaliyey Gavranovic.

Waqti dheeraad ah oo lagu daray ciyaarta ayaa waxay labada xul awoodi waayeen inay goolal dhaliyaan inkasta oo ay fursado heleen.

Intaas kaddib waxa loo dhigay rikoodheyaal uu xulka qaranka Switzerland ku badiyey 5-4 iyadoo uu Faransiiska rikoodhaha ka khasaariyey Kylian Mbappe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More