Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Laftagareen iyo wakiilada

Hogaamiyaha  Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kuso dhoweeyey Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoowey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ay qeyb ka ahaayeen Wafdiga Wakiilada EU Nicolas Berlanga,Midowga Africa  Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Soo dhoweyn ka dib Hogaamiyaha iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada & Taliya Qeybta 60aad CXDS ayaa xafiiska kulan kula qaatay Wafdiga maanta baydhabo  gaaray Waxaana ay kawada Hadleen Arimaha Doorashooyinka, Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada koonfur Galbeed,Xoojinta Amniga Xiliga kala guurka, Arimaha Gargaarka iyo ka hortaga Cudurka Covid19.

Wakiilada ka kala Socday Beesha Caalamka ayaa Bogaadiyey Doorka Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen ku lahaa qabsoomida Shirkii looga hadlayey Arimha Doorashooyinka ee udhaxeyey Hogaamiyayaasha Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee sideedii Septemar 2020 heshiis loo dhanyahay laga gaaray.

Wakiiladda ayaa Amaanay doorka madaxweyne Laftagareen ee dhaqaalaha, amaanka iyo hormarinta maamulka ayaa sheegay in ay muhiimtahay in laga wada shaqeeyo arimaha doorashooyinka dalka ee 2020/21.

“Waxaan bogaadinayaa Hogaamiyaha DKGS Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen Hanaanka Wanaagsan ee uu ku lahaa Markii ay kulmeen Hogaamiyayaasha Dowlad Goboledyada Iyo DFS iyo kulamadooda wixii Kasoo baxay hanaanka Doorasho ee Waqtigeeda ku saleeyan” ayuu yir James Swan.

“Waxaana Qiyaaseynaa Hanaanka uu kulahaa Dhamaan Heerarka kala dubanaa ee loo soo maray in Shir loo dhanyahay oona looga heshiinayo Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya” ayaa la raaciyay qoraalka.

Hogaamiyaha Dowlada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa sheegay kulanka uu laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka inuu ahaa mid looga hadlayey Dardargelinta Heshiisyadii Muqdisho lagu so gebigebeyey ee ahaa Arimaha Doorashooyinka sidii Waqtigeeda uqabsoomi lahayd.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More