Ereyadii Uu Xalay Yidhi Luis Suarez Oo Ooyaya: “Hoos Ayey Ii Dhigeen
Luis Suarez ayaa qarsan kari waayey dareenkiisa markii uu Atletico Madrid ka caawiyey in ay ku guuleysato horyaalka LaLiga Santander Sabtidii.
Weeraryahanka reer Uruguay ayaa dhaliyey goolkii labaad ee guusha soo laabashada ee ay ka gaadheen Real Valladolid, kaas oo ahaa midkiisii 21aad ee uu xilli ciyaareedkan saxeexo.
Laacibkan oo ay Barcelona iska soo caydhisay xagaagii, iyadoo u sheegtay in uu weynaaday oo aanay doonayn in ay siiyaan mushaharooyinkiisa badan, waxa uu Camp Nou ka yimid isagoo ooyaya, isla markaana qolka lebbiska oo uu ciyaartoyda kusii macasalaameeyey lagu aamusiin kari waayey sidii qarraxanka lahayd ee uu u ooyey.
Xiddiga reer Uruguay ayaa waqtigaas wuxuu sheegay in isagoo niyad-jabsan oo kusii socda gurigiisa uu telefoon ka helay Diego Simeone oo u sheegay in uu kooxdiisa yimaaddo, isla markii uu xaaskiisa iyo asxaabtiisa la shadayna uu aqbalay dalabka uu ka helay Atletico, si uu iskugu muujiyo in aanay da’da lagu sheegayo ahayn mid dhab ah.
Koobka horyaalka LaLiga ee uu xalay kula guuleystay Atletico, waxa uu ugu dabbaal-degay ka qiimo badan afartii koob ee hore ee uu lasoo qaaday Barcelona.
Telefishanka Movistar ayaa waraysi kaga qaaday garoonka dhexdiisa markii ay soo dhamaatay ciyaartii xalay ee ay dabbaal-degga dhamaysteen, waxaanu Suarez weerar ku qaaday kooxdiisii hore ee Barcelona.
“Waxay ahayd xaalad adag. Xaaladdii aan ku noolaa iyo sidii hoos la iigu dhigay, laakiin Atletico ayaa albaabka ii furtay.” Ayuu yidhi Luis Suarez oo kaddib guushii horyaalka ee xalay hadlayay.
“Dad badan ayaa ila dhibaatooday – xaaskayga, carruurtayda. Maalin ba maalinta xigta, iyaga ayay ahaayeen kuwa dhibaatada ugu badan kasoo gaadhay sannadahaygii aan kubadda cagta ku jiray.” Ayuu raaciyey.
Intaas kaddib waxa uu Luis Suarez ka hadlay guushii ay gaadheen, waxaanu yidhi: “Waxa uu ahaa sannad wanaagsan. Inkasta oo ay dhibaatooyin jireen, waxa aanu ahayn kooxda natiijooyinkoodu joogtada yihiin {marka loo eego kooxaha kale}, waxaananu nahay horyaalka.”
Luis Suarez waxa kale oo uu sheegay in guushiisu ay farxad u noqon doonto Lionel Messi, waxaanu yidhi: “Lionel Messi wuu farxi doonaa sababtoo ah waxa aanu nahay saaxiibbo.”