SAADAAL: Chelsea, Liverpool mise Leicester City – Kooxda SHANAAD
Waa kulamadii ugu dambeeyey horyaalka Premier League, waa halkii ay ku kala baxayeen kooxaha kaalmaha saddexaad iyo afraad ee isku dheggan, waana halkii lagu go’aaminayay naadiyada ka ciyaaraya Champions League, Europa League iyo tartanka cusub ee Europa Conference League.
Horyaalka waxa maanta la guddoonsiinayaa kooxda kubadda cagta Manchester City oo waqti hore ku guuleysatay laakiin sugaysay inta tartanka lasoo dhamaystirayo, sidoo kalena Manchester United ayaa kaalinta labaad ku dhamaysatay, halka labada kooxood ee kale ee Champions League kala soo qayb-geli doona xilli ciyaareedka dambe ay u tartamayaan Chelsea, Liverpool iyo Leicester City oo iyaguna maanta kala baxaya.
West Ham, Tottenham iyo Liverpool ayaa iyaguna ku dagaallamaya boosaskooda tartanka Europa League, halka Arsenal ay suurtogal tahay in ay timaaddo tartanka cusub ee kasii hooseeya Europa League ee loo bixiyey Europa Conference League, laakiin si ay taas u xaqiijisato waa in ay kaalinta todddobaad timaaddo.
Dimitar Berbatov ayaa saadaal ka bixiyey kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan, waxaana uu sheegay in Chelsea iyo Liverpool ay noqon doonaan kuwa xoogsada boosaskooda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.
Chelsea ayaa guul kasoo gaadhi doonta Aston Villa oo ay galabta ugu tegayso Villa Park, halka Liverpool ay garoonkeeda Anfield kusoo dhoweyn doonto Crystal Palace. Blues ayaa 1-3 ku garaaci doonta Aston Villa, sidoo kalena Liverpool ayaa 3-1 kaga adkaan doonta Crystal Palace. Taas beddelkeeda, Leicester City ayaa barbarro la geli doonta Tottenham, sidaas ayaanay ku tegi doontaa Europa League.
Saadaasha Dimitar Berbatov ee kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan:
Leicester 3-3 Tottenham
Wolves 1-1 Man United
West Ham 3-1 Southampton
Sheffield United 2-2 Burnley
Liverpool 3-2 Crystal Palace
Fulham 2-1 Newcastle
Leeds 4-0 West Brom
Arsenal 2-1 Brighton
Aston Villa 1-3 Chelsea
Man City 2-0 Everton