Ciidanka Amaanka Hir-Shabeelle oo Jowhar ka bilaabay howlgal Amni

Ciidamada Booliiska DG Hir-Shabeelle ayaa Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkaas ka bilaabay howlgalo lagu baarayo xaafadaha Degmadaas, Gaadiidka & la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka.

Ujeedka howlgalkaan waxa ay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka wax baaraya ku sheegeen in lagu adkeynayo ammaanka Xarunta Hir-Shabeelle oo sida qorshuhu yahay martigelineysa Ergo badan.

Jowhar waxaa tagaya Ergo beeleedyo leh kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo aqalka sare BFS oo bilawgii bishaan heshiis lagu gaaray in la bilaabo howsha soo xulista.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Jowhar ayaa sheegay in howlgalkaan gudaha iyo duleedka Degmadaas uu ka socdo, maadaama ay rajeynayaan dad u tagaya danaha doorashada in ay gaaraan Jowhar.

Dhanka kale, Ciidamada Militariga DFS ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay waddada u dhaxeysa Balcad & Jowhar oo meelo dhexe ay ku leeyihiin Saldhigyo isku xira Ciidamadaas howlgalaya.

Hogaamiyaha Hir-Shabeelle, Ku xigeenkiisa, Wasiirada Amniga & Arrimaha Gudaha ayaa wada abaabul lagu xasilinayo xarunta maamulkaas dilal qaarkood loo geystay Xildhibaanno sidoo kale katirsanaa Golaha Wasiirada ee Maxamed Cabdi Waare.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More