Cristiano Ronaldo Oo Daawaday Tababarkii Xulka Qaranka

Cristiano Ronaldo ayay u muuqataa in xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, waxaanu daawaday tababrkii xulka qaranka Portugal uu samaynayay Salaasadii oo uu barandaha dhismaha uu deggan yahay, xilli uu go’doon ugu jiro xanuunka Korona Fayras oo ku dhacay.

35 jirkan ayaa shalay la shaaciyey inuu hayo Korona Fayras, waxaana laga fasaxay xerada tababarka iyadoo uu gelayo karantiil muddo toban maalmood ah oo uu ku qaadanayo magaalada Lisbon, taas oo ka dhigan inuu seegayo ciyaarta qarankiisu Arbacada la ciyaarayo Sweden.

Cristiano Ronaldo ayaa qoslayay isaga oo taagan barandaha dhismaha ay deggan yihiin ciyaartoyda oo qolkiisa gaarka ah uu soo istaagay dhinaca xigta garoonka, waxaana halkaa sawirro kaga qaaday warbaahinta iyadoo uu waliba bixinayay astaamo muujinaya in aanu qabin wax dhibaato ah.

Laacibkan shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or oo ciyaaray kulamadii Portugal iyo France ee toddobaadkan bilowgiisii iyo dhamaadka usbuucii hore oo kala ahaa mid saaxiibtinimo iyo mid UEFA Nations League ah, ayaa ku biiray liiska ciyaartoyda dhibbaneyaasha u ah xanuunkan.

Kulankii Axaddii ay France la yeesheen oo uu Ronaldo hoggaaminayay xiddigaha reer Portugal ayaa shaki weyn la gelinayaa tiro ciyaartooyo ah oo ay xidhiidh taabasho yeesheen, sida Kylian Mbappe oo ay dhamaadkii isasii salaameen, xoogaa sheekaysi ahna yeesheen.

Waxa kale oo halis ku jira oo la sheegayaa inay u badan tahay in Karantiil la gelin doono laacibka Manchester United ee Bruno Fernandes oo habeenkii Salaasadu soo gelaysay casho la wadaagay Ronaldo oo la rumaysan yahay in xilligaas uu xanuunka ku jiray jidhkiisa.

Eduard Camavinga ayaa isaguna khatar weyn ku jira oo looga baqayaa in xanuunkan uu ka qaado Ronaldo maadaama dhamaadka kulankii France iyo Portugal uu ka beddeshay garanka oo uu waliba geystay gurigiisa oo sawirro uu ka qaadayna uu baraha bulshada ku daabacay.

Si kastaba, Ronaldo ayaa sawirkan ku muujiyey in caafimaadkiisu wanaagsan yahay oo aanu wax dhibaato ah qabin laakiin waxa wadnaha farta ku haya kooxo ay ka mid tahay Manchester United oo u baqaya ciyaartoygoodii qolka lebbiska Portugal la wadaagay Cristiano Ronaldo ama kulankii France dhexdiisa ay ku xafiiltameen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More