Skip to content
Monday, August 24, 2026 10 Rabi al-Awwal 1448 AH Dhuhr 12:01
Muqdisho 28°C
Breaking: Mogadishu clashes over house demolitions kill one, injure nearly 10
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

“Xildhibaannada ka walwalsan kuraastooda waxa aan ballanqaadayaa in aan lagu faragelin” Siciid Deni.

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Xildhibaannada-ka-walwalsan-kuraastooda-waxa-aan-ballanqaadayaa-in-aan-lagu

Madaxweyne DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay Munaasabad Muqdisho loogu qabtay ayaa soo hadal qaaday howlaha kala guurka ee loogu diyaargaroobayo doorashada dalka 20/21.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabtay xaaladdii adkeyd ee ka dhalatay kulamada siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanta shirarkii wadatashiga ee madaxda heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku amaanay tanaasulaad badan uu sameeyay markii qodobo dhowr ah ay isku qabteen madada DFS & DG, taasina ay ku dhalatay mas’uuliyadda uu isa-saaray.

Waxa uu ka jawaabay walwal uu muujiyay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BFS Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo xitaa shaaciyay in kursigiisa uu ka wareegay Puntland una weeciyay Galmudug, sabab la xiriirta cabsi ka heysata.

Madasha waxa uu ka sheegay Siciid Deni in Xildhibaannada walwalka ka qaba tartanka kuraastooda in ay iska saaraan cabsida ay muujinayaan, maadaama loolanka furan aysan jirin cid ku faragelineysa.

“Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad waxa aan leeyahay kursiga aad ka raratay Puntland waad kusoo ceshan kartaa, waxaana kuu damaanad qaadayaa haddii uu dib usoo ceshado in aan ku qabi doonin walwal, in aad garab naga heshaan mooyee, walwal kale hanaga rajeynina” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

Waxa uu dul istaagay culeyska amniga ee Caasimadda, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah mas’uuliyad la isaga saaro wax ka qabashada, maadaama howlaha ugu badan ee Dowladda lagu fulinayo.

Axadle.