Xigasho: Joojinta Dakhliga Maamulka Gobolka Banaadir + Sababta – Axadle

- Advertisement -

Muqdisho (Axadle) – Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in uu dhammaaday maamulkii gobolka ee Banaadir.

Canshuurta waxaa laga qaaday shirkadaha, guryaha, miisaaniyadaha iyo guryaha kale ee Caasimadda Muqdisho.

Sababta shaqada looga joojiyay ayaa lagu sheegay inay tahay shirkada gaarka loo leeyahay oo shaqadii joojisay iyo nidaamkeeda heerka sare ah oo joojiyay wadashaqeynta gobolka isla waqtigaas maadaama ay diiday inay shaaciso xogta la keydsaday sanadihii ugu dambeeyay.

Shirkadan oo qaab dhismeedkeedu la mid yahay mida wasaarada maaliyada isla markaana ay aqoonsan yihiin IMF iyo World Bank ayaa lumisay boqolaal kun oo doolar dawlada hoose.

Nidaamka shirkadda waxaa loo isticmaalaa in lagu caddeeyo canshuuraha iyo goorta la bixinayo haddii ay dhacdo khilaaf ama isku day lagu been abuurto macluumaadka lacag bixinta. Waxaa kale oo jiray keyd aad u ballaaran oo ku saabsan guryaha ay leedahay dowladda hoose ee Muqdisho.

Macluumaadka ayaa tilmaamaya in dowladda hoose aysan awood u helin inay hesho shirkad kale oo howshan ka shaqeysa. Macluumaadka ayaa sidoo kale sheegaya inay adkaan karto in la helo shirkad kale maxaa yeelay lama oga cidda bixisay iyo cidda aan bixin.

Saraakiisha sarsare ee xafiiska maaliyada gobolka banaadir ayaa sheegay in aysan awoodi karin bixinta adeegyada iyo mushaaraadka bilaha soosocda ayna si aad ah u bixinayaan bishaan.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More