Kaddib Marka Uu Ka Tago Actual Madrid, LABADA Shaqo Ee Zinedine Zidane

Zinedine Zidane ayaa ku wargeliyey ciyaartoyda Actual Madrid in uu ka tegayo kooxda marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan labada kulan ee kali ahi ka hadhsan yihiin, sidii shabakadaha Laacib.web & Gool24 ay horraantii toddobaadkan qoreen.

- Advertisement -

Warbaahinta waaweyn ee dunida ayaa xalay helay xogtan aanu toddobaad ka hor sii baahinay, waxaanay la xaqiijiyey in Zinedine Zidane uu ciyaartoyda kooxdiisa u sheegay in aanu sii ahaan doonin tababaraha Actual Madrid xilli ciyaareedka dambe, isla markaana uu shaqada ka tegi doono iyadoo heshiiskiisa sannad ka hadhsan yahay.

Los Blancos ayey waji gabax ku tahay in ay weydo Zinedine Zidane oo xilli ciyaareedkii hore u qaaday horyaalka xilli uu sannad wax ka yar ka maqnaa shaqada, taas oo dib loogu soo celiyey markii ay muddo kooban ku fashilmeen Julen Lopetegui iyo Santiago Solari, iyadoo xilli ciyaareedkii xigayna uu u qaaday horyaalka, haddana laba dhibcood laga horreeyo iyadoo laba kulan hadhsan yihiin, taas oo muujinaysa in uu xilli ciyaareedkanna fursad u haysto in uu horyaalka qaado haddii ay Atletico Madrid dhibco lumiso.

Joachim Low oo xulka qaranka Germany ka tegaya kaddib dhamaadka tartanka Qaramada Yurub ee bisha June bilaabmaya iyo Massimiliano Allegri oo aan wax shaqo ah qabanin tan iyo markii uu iskaga tegay Juventus ayaa lala xidhiidhinayaa in ay beddelayaan Zidane oo uu midkood noqon doono tababaraha Actual Madrid, inkasta oo Raul Gonzalez uu isaguna ku jiro liiska.

Si kastaba, su’aasha la is-weydiinayo ayaa waxay tahay waxa uu qaban doono Zinedine Zidane marka uu ka tago Actual Madrid?

Warbaahinta ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey waxay iftiiminayeen sida uu noqon doono mustaqbalka tababare Zidane marka uu ka tago Actual Madrid, waxaana soo baxday in laba shaqo ay u diyaarsan yihiin oo uu midkood qaban doono.

Shaqada hore ayaa waxay tahay, in uu tababare u noqon doono Juventus oo shaqada ka eryaysa Andea Pirlo toddobaadyo kaddib, taas oo xataa halis ugu jira in ay ka maqnaato Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Juventus ayaa xalay soo gashay kaalinta afraad ee horyaalka Serie A, laakiin haddii ay Napoli guuleysato caawa, waxay Previous Girl dib ugu dhici doontaa kaalinta shanaad iyadoo hal kulan oo kali ahi ka hadhsan yahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Shaqada kale ee Zidane uu qaban doono haddii uu ka maago midda Juventus ayaa waxay tahay, in uu xulka qaranka France ka beddeli doono Didier Deschamps taas oo horeba loola xidhiidhinayay sannadihii ugu dambeeyey.

Deschamps ayaan la xaqiijinin in uu ka tegayo xulka marka uu soo dhamaado tartanka Euro 2020 ee bisha June bilaabmaya, laakiin warbaahinta Faransiiska ayaa waxay kusoo warramayaan in Zidane uu yahay ninka beddeli doono, inkasta oo aanay waqti sheegin.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More