“Ha Ismoodin Inaad Tahay Xiddig Weyn…” Antonio Conte Oo Garoonka

Tababaraha Inter Milan ee Antonio Conte iyo weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez ayaa muran iyo hadallo kulul oo cadho ka muuqato uu ku dhexmaray laynka garoonka kulankii Arbacadii ay Nerrazzurri 3-1 ku garaacday AS Roma.

Conte ayaa daqooqaddoo 77aad waxa uu beddelay Lautaro Martinez xilli ay kooxdiisu gacanta ku dhigtay saddexda dhibcood ee kulanka oo aan waxba ka beddelayn xilli ciyaareedkooda maadaama ay waqti horeba ku guuleysteen horyaalka Serie A oo ay kaliya sugayaan in koobka la guddoonsiiyo.

Lautaro Martinez ayaan ciyaarta kusoo bilaabanin, waxaana uu garoonka soo galay daqiiqaddii 35aad isagoo beddelay Alexis Sanchez oo uu dhaawac soo gaadhay.

Laakiin tababare Antonio Conte ayaa go’aansaday in uu Lautaro Martinez garoonka kasoo saaro qaybta dambe oo maraysa daqiiqaddii 77aad, waxaanay taasi keentay in weeraryahanka reer Argentina uu ka cadhoodo in la beddelo isagoo marka horeba beddel ku yimid.

Lautaro Martinez ayaa markii uu garoonka kasoo baxayay ee uu laynka marayay waxa uu laaday dhalo/quraarad garoonka agtiisa taallay, waxaana ficilkaas ka cadhooday Antonio Conte.

Kaamirooyinka garoonka ayaa qabtay ficilka uu sameeyey Lautaro, halka ay makarafoonnaduna soo gudbiyeen hadalladii ay isweydaarsadeen maadaama aanay garoonka joogin taageereyaal qayladoodu qariso hadallada hoose.

Antonio Conte ayaa ku yidhi Lautaro: “Ixtiraam muuji, hana iska dhigin in aad tahay xiddig heersare ah.”

Si kastaba, Inter Milan ayaa mar horeba xaqiijisatay in ay ku guuleysatay horyaalkeedii ugu horreeyey oo Serie A ah tan iyo 2010, waxaanay 13 dhibcood ka horreeyaan kooxda kusoo xigta ee Atalanta iyadoo dhamaadka xilli ciyaareedkana laba kulan ka hadhsan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More