“Waan Ogahay In Mustaqbalkayga Shaki….” Ronald Koeman Oo Qirtay Inuu

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa qirtay in jabkii ku dhacay kooxdiisa kulankii xalay ee  Levante uu dhaawac weyn u geystay mustaqbalkiisa tababarenimo ee  kooxdan, isla markaana aanu hubin waxa ay ka yeelayaan maamulak kooxdu.

Barcelona oo qaybtii hore 2-0 ku hoggaaminaysay, ayaa waxay Levante la timid laba gool oo ay ku dhalisay saddex daqiiqadood gudahood qaybta dambe, laakiin waxay Blaugrana la timid gool ay hoggaanka kusoo ceshatay ka hor intii aanay Levante goolka barbarraha dhalinin dhamaadka ciyaarta oo toddoba daqiiqadood ka hadhsan yihiin.

Iyadoo horyaalka laba kulan oo kali ahi uga hadhsan yihiin, Barcelona ayaa waxay lumisay fursad ay hoggaanka horyaalka kula wareegi lahayd, taasina waxay soo afjari kartaa fursaddoodii ay horyaalka ugu guuleysan kari lahaayeen.

Ronald Koeman oo ciyaarta kaddib hadlay ayaa sheegay in mustaqbalkiisa su’aali ka taagan tahay, waxaanu yidhi: “Tababareyaasha mar walba su’aal ayaa la geliyaa, laakiin waan fahmi karaa taas, kaddib qaybtii dambe, waxa jiraya su’aalo.

“Waanu niyad-jabsanahay, waxaananu la yaabbanahay wixii dhacay. Waa in aanu socono oo aanu isku diyaarino kulanka dambe. Tababare ahaanna, aniga ayaa masuuliyadda (guul-darrada) leh. Waqtigii nasashada waanu ka wada-hadalnay in difaac ahaan aanu horumar u samayno oo aanaan luminin culayska aanu ku hayno (Levante). Rajo ayaanu qabnay, ciyaartana 2-0 ayaanu ku hoggaaminaynay. Ma filaysid barbarro marka ay sidaas tahay.”

Intaas kaddib ayuu Koeman sheegay in kooxdiisu aanay fursad haysanin, waxaanu yidhi: “Ujeeddadayadu waxay ahayd in aanu guuleysano dhamaan saddexda ciyaarood oo aanu rajayno in kuwa kale dhibco lumiyaan. Laakiin hadda manner adag tahay.

“Ciyaaruhu waa 90 daqiiqadood, wax badan ayaananu luminay qaybtii dambe. Iyagu {Levante} dhibaatooyin ayay nagu abuureen, anaguna si fiican iskumaanu difaacin.

“Waa niyad-jab weyn. Manner adag tahay in la fahmo waxa dhacay. Manner adag tahay in la sharraxo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More