Xigasho: ciidamada Cabdirashiid JANAN oo diiday qorshaha dowlada – Axadle
Beled-Xaawo (Axadle) – Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan gobolka Gedo ayaa Axadle u sheegay in ciidamada Cabdirashiid Janan oo heshiis la galay dowladda Soomaaliya ay diideen inay ku biiraan ciidamada dowladda ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolka.
Wararku waxay muujinayaan in ciidamada Janan ay shuruud uga dhigeen ka mid noqoshada ciidamada dowladda, taas oo ay diideen saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo.
Ciidamada C / rashiid Janan ayaa dalbaday in lagu soo wareejiyo gudoomiyaasha degmooyinka Luuq, Doolow iyo Baladxaawo. Janan ayaa sidoo kale dalbaday in taliyeyaasha degmooyinka la siiyo amni ama taliye ku xigeenno.
C / rashiid Xasan C / nuur Janan ayaa la filayaa inuu u safro gobolka Gedo, halkaasoo ay ku wehliyaan saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.
Waxaa jira warar sheegaya in ay jirto cabsi laga qabo in ciidamada Janan ay iskaga baxaan oo ay noqdaan kuwa madaxbanaan lana xaajooda dowladda.