Xidhiidhka Kubadda Cagta Talyaaniga Oo Ganaaxyo Ku Riday Ibrahimovic
Xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ayaa soo saaray ganaaxyo ka dhan ah xiddigaha AC Milan iyo Inter ee Zlatan Ibrahimovic iyo Romelu Lukaku, kaddib isku-dhacoodii ciyaartii Coppa Italia ee 26kii January.
Labadan ciyaartoy ayaa ku dhowaaday in ay dagaallamaan ciyaar ay Inter ku garaacday Milan oo ay kaga reebtay Coppa Italia, waxaana Lukaku uu laacibka reer Sweden uu ku eedeeyey inuu aflagaaddo cunsuriyeysan kula kacay.
Laakiin Ibrahimvoic ayaa ku dooday in aanay cunsuriyaddu agtiisa boos ku lahayn, kaliyana uu ku yidhi ereyo dacaadyad ahaa oo uu ku yidhi mulkiilaha Everton ee Moshiri, taas oo uu isaguna mar kale ku celiyey.
Guddida Anshaxa xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga FIGC ayaa baadhitaan ku sameeyey isku-dhaca labadan ciyaartoy, waxaana ugu dambayntii ay soo saareen go’aankooda.
Eedaynta cunsuriyadda ee Lukaku ayay guddidu meesha ka saareen, waxaanay sheegeen in aanu Zlatan Ibrahimovic wax cunsuriyad ah samaynin, laakiin ficilka isku-dhaca iyo qaska ay ka sameeyeen ciyaarta darteed lagu anshax marinayo.
Labada ciyaartoyba waxa lagu soo rogay ganaaxyo lacageed, laakiin waxa meesha ka baxday in laga joojiyo kulamada qaarkood.
Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu ganaaxay in uu bixiyo 4,000 Euro (afar kun oo Yuuro), halka Lukaku uu isaguna bixin doono 3,000 Euro, waxaana lacagahaas ay ku bixin doonaan mucaawimo, iyagoo siinaya hay’adaha dadka caawiya.