Juventus Iyo AC Milan Oo Qarka U Saaran In Laga Ceyriyo Horyaalka
AC Milan and Juventus ayaa weli diidan inay ka baxaan horyaalka cusub ee European Tremendous League.
Labada kooxood ayaan weli ka laabanin ka mid ahaanshaha horyaalka European Tremendous League iyaga iyo Barcelona iyo Actual Madrid. Afartaan kooxood ayaa weli ku dhegan fekerka horyaalkaan inkastoo lixdii kooxood ee Ingariiska, Atletico Madrid iyo Inter Milan ay ka baxeen horyaalka.
Gudoomiyaha kooxda Juventus Andrea Agnelli oo ka mid ah hogaamiyayaasha European Tremendous League ayaa xitaa sheegay in inkastoo uu weli aaminsan yahay Tremendous League hadana inaysan macquul aheyn inuu qorshahooda shaqeeyo.
Si kastaba, inkastoo ay arimahaan oo dhan jiraan hadana AC Milan iyo Juventus ayaa weli diidan inay ka baxaan horyaalkaan fashilmay, waxayna keeni doontaa inay la kulmaan ciqaab adag haddii ay iska dhegotiraan xiriirka Talyaaniga, UEFA iyo FIFA.
Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Talyaaniga ayaa uga digay labo kooxood in koox walba oo ku biirta tartan aysan ansixinin maamulka kubada cagta in laga ceyrin doono horyaalka Serie A.
“Waxaan soo saarnay sharci lidi ku ah Tremendous League oo dhigaya in kooxdii ku biirta tartan aysan ansixinin UEFA, FIFA iyo xiriirka kubada cagta Talyaaniga in laga saari doono horyaalka” ayuu yiri Gabriele Gravina.
Xiriirka kubada cagta Talyaaniga ayaa waqti u qabtay kooxaha AC Milan iyo Juventus inay si rasmi ah uga laabtaan ku biirtaankooda European Tremendous League ama haddii kale laga saari doono tartamada kubada cagta Talyaaniga.
Juventus kuma cusba inay ciqaab adag kala kulanto xiriirka kubada cagta iyadoo fadeexadii Calciopoli ay sababtay in laga rido horyaalka heerka labaad ee Serie B.
Si kastaba, ciqaabta ay haatan wajihi karaan ayaase ka sii cusub iyadoo Juventus iyo AC Milan laga saari karo dhamaan tartamada kubada cagta Talyaaniga iyo tan Yurub.