Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo dalbanaya in si deg deg ah loo joojiyo rabshadaha ka socda magaalada Muqdisho – Axadle
Muqdisho (Axadle) Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalada ka soo cusboonaaday mucaaradka iyo dowlada ee ka socda magaalada Muqdisho ee Axadle Soomaaliya.
Antonio Guterres ayaa walaac xoogan ka muujiyay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay ka waantoobaan rabshadaha sii socda isla markaana wax walba lagu xaliyo wadahadal iyo waliba is dejin.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee qaramada midoobay Stephane Dujarric ayaa lagu yiri: “Xoghayaha guud wuxuu si qoto dheer uga walaacsan yahay isku dhacyada hubaysan ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu ku celinayaa baaqiisa dhamaan daneeyayaasha Soomaaliyeed inay ka waantoobaan qalalaase dambe oo ay ku xaliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo tanaasul ”
Wuxuu intaas ku daray in xoghayaha guud uu ugu yeeray dhinacyada dagaalamaya in ay si deg deg ah u bilaabaan wadahadalada si loo soo afjaro xiisadda.
“Xoghayaha guud wuxuu ugu baaqayaa dhamaan daneeyayaasha Soomaaliyeed inay si deg deg ah dib ugu bilaabaan wadahadalada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan geedi socodka doorashada September 17 iyo soo jeedinta Baydhabo,” ayuu raaciyay.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo xaalada magaalada Muqdisho ay wali kacsan tahay, iyadoo qeybo ka mid ah dalka ay wali ku wajahan yihiin ciidamada dowlada iyo kooxaha kale ee taageera mucaaradka, kuwaasoo ka soo horjeeda in waqtiga loo kordhiyo Madaxweyne Farmaajo.