Cali Khaliif Galeyr oo ku geeriyooday Jigjiga. – Axadle

AUN Cali Khalif Galayr

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu goor dhow halkaasi ku geeriyooday Cali Khaliif Galeyr.

Geerida Cali Khaliif oo mar soo noqday Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa BBC-da u xaqiijiyay Cumar Faaruuq Warfaa, oo ah wasiir ku xigeenka madaxtooyada Dowlad Deegaanka.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in marxuumka uu ku xannusanaa Jigjiga labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Maxaan ka naqaanaa Marxuumka

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu goor dhow halkaasi ku geeriyooday Cali Khaliif Galeyr.

Geerida Cali Khaliif oo mar soo noqday Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa BBC-da u xaqiijiyay Cumar Faaruuq Warfaa, oo ah wasiir ku xigeenka madaxtooyada Dowlad Deegaanka.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in marxuumka uu ku xannusanaa Jigjiga labadii maalmood ee la soo dhaafay.

AUN Dr. Cali Khaliif Galayr waxa uu ahaa siyaasi Soomaaliyeed, waxaana uu mar soo ahaa Reysal Wasaaraha Soomaaliya (2000-2001), Wasiirka Arrimaha Gudaha (1965-1967)  iyo Wasiirka Warshadaha (1980-1982).

Cali waxa uu ku dhasahy Laas Caanood, halkaas ayuuna qeybta hore ee noloshiisa kusoo qaatay inteeda badneed, ilaa uu ku dhameystay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd, ilaa markii dambe uu Dugsigiisa Sare ku idleystay degmada Shiikh. Waxa uu ahaa aqoonyahan darajada tacliinta maadiga ah ka gaaray Ph.D. waxa uu ahaa Macalin iyo qof muddo dheer soo ahaa shaqaale dowladeed, oo qeybo kale duwan dowladnimada ah kasoo shaqeeyay.

Dr. Cali Qaliif Galeyr waxa uu in mudda ah kasoo shaqeynayay qeybaha waxbarashada Soomaaliya, isaga oo macalin iyo bare kasoo ahaa machadkii  Somali Institute of Public Administration (SIPA) ee Maamulka Dowliga ah lagu baran jiray, halkaas oo uu markii dambe ka noqday agaasime.

Cali Khaliif waxaa lagu xasuustaa agaasimidda barnaamijyo hormarineed oo Soomaaliya ka socday 1970-aadkii ilaa 1980-aadkii, isaga oo si gaar ahaa u maamulayay Mashruucii Sokorta ee Jubba.

Galeyr waxa uu sanadkii 2000 noqday xildhibaan, iyada oo uu isla waqtigaas noqday Reysal Wasaarihii ugu horeeyay ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Cali Khaliif Galeyr waxaa 2014-kii loo doortay Hogaamiyaha Maamulka Khaatuma oo aysan DowladdII Federalka MKG Soomaaliya ahaydna aqoonsan, tii ka dambeysay ee rasmiga ahayd ee la sameeyay 2012-kina aqoonsan.

Cali waxa uu dadaal xoogan ku bixiyay in la helo maamul u gaar ah gobolada Sool iyo Sanaag oo ka madaxbanaan Gobaladda Waqooyi iyo Puntland, kuwaas oo iyagu uu mida kan kale ka xigsado lahaanshiyaha iyo hoos imaanshiyaha deeganada 2-aas gobol.

Waxbarashada

1962-kii ayuu Cali Khaliif Galeyr dhameeyay Dugsigiisii Sare ee Sheekh, oo ka tirsan gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya.

1965-kii, waxa uu Cali dhameeyay Waxbarashadiisii Jaamacadda ee Heerka 1-aad, taas oo uu ku qaatay Jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka.

1969-kii, Cali waxa uu Jaamacadda Syracuse University ee magaalada Newyork, Dalka Mareykanka ku diyaariyay Darajadiisii 2-aad ee Jaamacadda.

1972-kii ayuu Galeyr Ph.D-diisa ku diyaariyay isla Jaamacadda Syracuse University ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku gaaray aqoonta tacliin maadiya tan ugu sareysa aduunkan.

AUN Marxuumka oo mudooyinkii dambe saldhig ka dhigtay deegaanada maamulka Gobaladda Waqooyi ayaa maanta Khamiis ah ku geeriyooday magaaladda Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More