Skip to content
Monday, August 24, 2026 10 Rabi al-Awwal 1448 AH Dhuhr 12:01
Muqdisho 26°C
Breaking: Somalia Denies Recognising Northern Cyprus After Parliament Speaker’s Comment
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Man City Oo Wadada Guusha Ku Soo Laabatay Ka Dib Guul Weyn

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Capture-60

Kooxda Manchester City ayaa wadada guusha ku soo laabatay iyagoo iska ilaaway guuldaradii 5-2 ee ka soo gaartay Leicester City kulankoodii ugu danbeeyay ee Premier League.

City ayaa caawa seddex gool oo bilaa jawaab ah ku aamusisay kooxda Burnley oo ay wada ciyaareen wareega 16ka ee koobka ay difaacaneyso ee Carabao Cup.

Xiddiga Ingariiska Raheem Sterling ayaa labo gool dhaliyay halka saxiixa cusub ee Ferran Torres uu furtay akoonkiisa goolasha ee Manchester City.

Raheem Sterling ayaa 33 gool u dhaliyay Manchester City tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore, waana goolashii ugu badnaa ee ciyaaryahan Premier League ah uu ka dhaliyo tartamada oo dhan mudadaan.

City ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 35aad markii uu Sterling shabaqa dhex dhigay kubada uu u soo celiyay Mendy,. Sterling ayaana dhaliyay goolkii labaad ee City daqiiqadii 49aad isagoo shabaq faaruq ah kubada cusjiyay.

Xiddiga Ingariiska ayaa caawiye ka ahaa goolka uu Ferran Torres dhaliyay iyadoo guushaan uu Man City ka caawiyay Sterling.

Manchester City waxay haatan u gudubtay wareega 8da ee koobka Carabao Cup iyagoo sugaya kooxdii ay la ciyaari lahaayeen.

Dhanka kale Newcastle United ayaa u soo gudubtay wareega 8da ka dib markii ay rigoore 5-4 kaga badisay kooxda heerka hoose ee Newport County oo ay barbaro 1-1 isla dhaafi waayeen 90ka daqiiqo.