Skip to content
Monday, August 24, 2026 10 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:46
Muqdisho 24°C
Breaking: Taariikhda aas-aaska Hirshabelle iyo geeddi-socodkii dhismaha maamulkeeda
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Jamaahiirta Man United Oo Ka Carooday In Ole Gunnar

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Capture-61

Ole Gunnar Solskjaer ayaa weerar xun kala kulmay taageerayaasha Man United ee isticmaala baraha bulshada ka dib markii uu ku qasbay gabar yar inay u heyso dallada xilli uu roob xoogan da’ayay.

Tababaraha Manchester United ayaa kooxdiisa u diyaarinayay kulanka Carabao Cup ee Brighton markii uu roobka bilowday.

Laakiin bedelkii uu isagu dallada heysan lahaa si uusan u qoyin, waxa uu Solskjaer ka adeejiyay gabar yar oo iyaduba qoyday inay dalada u qabato.

Ku guuleystihii hore ee barnaamijka X-factor, Steve Brookstein ayaa bilaabay weerarka baraha bulshada uga yimid Ole Gunnar Solskjaer.

Wuxuu Twitter ku soo qoray: “Roob ayaa ka da’aya Brighton, Ole oo dhoolacadeynaya islamarkaana marmarsiiyo ka dhiganaya inay gacmihiisa jeebka ugu jiraan halka gabar yar oo qoyan ay u madaxiisa ku dul heyso dallada”

Raining in Brighton.A smiley Ole making excuses with his hands in his pockets while a little wet woman holds his brolly above his head.#munbri

— Steve Brookstein (@stevebrookstein) September 30, 2020

Taageerayaasha kale ee Man United ayaa iyagana bilaabay inay tababarahooda ku weeraraan arintaan.

Mid ayaa soo qoray: “Waxaan rajeynayaa in gacmaha Ole Gunnar Solskjaer inay soo kabsadaan xilli dhow, waa qasab inuu dhaawac xun ka qabo mar haddiiba uusan qaban karin dalladiisa, sidoo kalena waxay ku xadgudbeen sharcigii kala fogaanshaha”

Hope Ole Gunnar Solskjær’s arms get better soon, must be a serious injury when you can’t hold your own umbrella!!! Not much social distancing going on either!!! ?

— Mike Bolger (@Mlbolger) September 30, 2020

Mid kale ayaa yiri: “Hogaan ma ceshan kartida? xitaa dalladaada ma heysan kartid. Tani waa meeshii ugu sareysay ee lagu noqonayay Alan Partridge oo kale.”

Can’t hold on to a lead? Can’t even hold his own umbrella. This is peak Alan Partridge ?. #ManUtd #Solskjær @SolskjaerMind pic.twitter.com/eLxF0ieEOW

— Paul Cox (@PaulCoxComedy) September 30, 2020

Taageere kale ayaa soo qoray: “Miyuu jiraa qof arkay gabadha yar ee dallada u heysa Solskjaer? Gabadha yar waa ay ku adkeyd inay madaxiisa gaarto, midkaagan caajiska badan qabso adiga dalladaada.”

Did anybody just see the tiny woman holding the umbrella for Solskjaer? ???? the camera panning out and the poor wifey could barely reach hahaha hold your own brolly lazy git

— Chez woods{NUFC?⚪️} (@The_Woods_Mama) September 30, 2020