Deni wuxuu xadidayaa qarashaadka telefoonka

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka muuqatay Caro (Xanaaq) uu ka qaaday go’aamo marar kala duwan uu kasoo saaray xakameynta diidmada lacagta oo aan dhaqangelin ayaa digniin cusub soosaaray.

Deni ayaa amar cusub kusoo rogay ganacsatada gaar ahaan Shirkadaha bixiya adeegga lacagaha la isugu diro, waxa uu xadiday qiimaha ugu yar, isaga oo ka dhigay in aan la adeegsan Karin wax ka yar $10 si loo socodsiiyo Shillin Soomaaliga.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in marar kala duwan maamulkiisu uu soosaaray awaamiir dhanka lacagta ah, balse wali ay taagan tahay cabashada dadka shacabka oo laga diiday in wax looga iibsaday.

“Si loo xaliyo baahida lacagta shillin Soomaaliga waxa aan wax ka badalnay qiimaha halka dollar oo aan wax loogu kala iibsan karin lacagaha la isugu diro Telefoonada, waxaana ka dhignay toban dollar iyo wixii ka yar aan wax lagu gadi Karin, dekedda waxa aan canshuurta ku qaadeynaa 10% lacag Soomaali” Sidaas waxaa yiri Siciid Deni.

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saldhigasho la’aanta sarifka ku sheegay in ay u baahan tahay baaris dheeraad ah, maadaama la arkayo caqabado kala duwan marka xal laga gaaro wali ka duwan tan la xaliyay.

Deni ayaa tilmaamay in la siyaasadeynayo dibadbaxyada looga soo horjeedo diidmada lacagta iyo isbadalka sarifka, baaris dheer kadib ayuu sheegay in la ogaaday in dad dano gaar ah leh ay leeyihiin abaabulka soo bannanbixinta Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan katirsan Golaha Deegaanka Degmada Garoowe ayaa sheegay in habeen kahor nin da’ ah kana mid ah qoysaska kaamka Shabeelle uu u dhintay Gaajo & oon, kadib markii laga diiday in Shillin Soomaali uu heystay wax looga iibsaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More