Gudiga Muranka Dhaliyay Oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada
Guddiga doorashada heer federaal ee muranku ka taagan yahay ayaa shaaciyey jadwalka doorashada Soomaaliya ee 2020-21, gaar ahaan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga Jadwalka, oo aan weli wax heshiis ah gaarin, ayaa bayaan ay soo saareen 26-kii Diseembar ku sheegay in hogaamiyayaasha dalka ay u qabteen muddo lix maalmood ah inay ku soo bandhigaan liiska musharixiinta oo ku eg 29-ka December.
Hoos ka akhriso jadwalka oo dhameystiran Golaha Qaranka ee Musharaxiinta ayaa si weyn uga horyimid hanaanka doorashada ee dowladda Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay in ay magacaabeyso guddiyada doorashooyinka ee shaqaalaha rayidka ah iyo xubno ka tirsan NISA.
Gudoomiyaha Aqalka Sare, maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ka digay qabashada doorashada iyadoo aan wali heshiis rasmi ah laga gaarin, waxaana muuqata in guddiga khilaafku uu sii wado wax ka qabashada arrimaha la xiriira doorashooyinka