Xukuumadda Soomaaliya oo Kenya ku eedeysay abaabulka Jabhad
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka si dhaw ay ula socoto abaabul Militari oo Kenya ay ku abuureyso Jabhad ku sugan Aagga Mandheera.
Warka kasoo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay Kenya uga digeyso shirqoolkaas ay la damacsan tahay Ciidamada ku sugan Gobolka Gedo sida ku xusan Warsaxaafadeedka.
“Dowldda Federaalka Soomaaliya waxay si dhaw ula socotaa abaabulka militari ee ay Dowladda Kenya maalmahan ka waddo aagga Mandera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta XFS.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in Kenya ay hubeyneyso maleeshiyaad ku sugan Mandheera si ay ugu duulaan Magaalada Balad-Xaawo & saldhigyo kale oo ku yaalla aaggaas sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla” Sidaas waxaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn Kenya u dirtay digniin la xiriirka abaabulka Jabhadda ay ku diyaarineyso Mandheera, taasina ay dhaawac ku tahay xasiloonida geeska afrika.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Xukuumadda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabay in ay qaadeyso tallaabo waliba oo lagu xaqiijin karo Madaxbannaanida siyaasadeed, Waajirkeeda dhuleed, ilaalinta sharafta iyo karaamada Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Berri oo axad ah kuna beegan 20-ka December 2020, Urur Goboleedka IGAD ayaa Jabuuti ku dhageysanaya dacwad Dowladda Soomaaliya ay ka gudbisay dhiggeeda Kenya.
Axadle.