Wakiilka Mesut Ozil ayaa afka furaya

Wakiilka kubadsameeyaha kooxda Arsenal Mesut Ozil Dr Erkut Sogut ayaa markale ku celiyay walaaca uu ka qabo mustaqbalka ciyaaryahanka marka uu ka tagi karo kooxda isla markaana uu la hadli karo kooxda.

32-sano jirkaan ayaa laga saaray safka koowaad ee Arsenal Mikel Arteta, kaasoo laga reebay liiska Premier League iyo Europa League isagoo aan lahayn calaamadda soo laabashada.

Laga bilaabo Janaayo ee soo socota, sharciga ayaa u ogolaanaya Ozil inuu kala xaajoodo heshiis hordhac ah kooxaha ka baxsan England.

Laakiin Dr Erkut Sogut ayaa sheegay inay u badan tahay in Ozil uu dhameystiri doono dhaqaajintiisa dhamaadka xilli ciyaareedkaan isla markaana aysan jirin fursad uu kaga tagi karo kooxda bisha Janaayo.

Sikastaba, Sogut wuxuu cadeeyay in Ozil uu dalabyo kahelay aduunka oo dhan laakiin wuxuu sheegay inuu wadahadal kula jiro kooxda reer Turkey ee Fenerbahce.

“Mesut lix bilood ayaa uga hartay qandaraaskiisa Arsenal, waana hubaal inuu tabiyo kubbada cagta,” Dr Sogut ayaa u sheegay Fanatik.

Waxaan jeclaan lahaa inaan si saraaxad leh uga hadlo xaalada aan ku suganahay Fenerbahce, Haa, waxaan kulamo la yeelanay Fenerbahce waxaanan wada hadalo fool ka fool ah la yeelanay dadka ugu awooda badan kooxda.

“Si kastaba ha ahaatee, waligeen heshiis kama gaari karno bisha Janaayo ka hor wadahadalada rasmiga ah, waxaan dalabyo ka helnay Mesut adduunka oo dhan.”

Xiisaha Fenerbahce sidoo kale waa la ogyahay, waxba kuma bedelin Ozil haatan cawaaqibyadan. Waxay umuuqataa Mesut inuu xilli ciyaareedka ku dhamaysan doono Arsenal. ”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More