Maxay kawada hadleen Hogaamiyaha Kenya & Muuse Biixi? –

Magaalada Nairobi waxaa ku kulmay Hogaamiyaha Kenya Uhuru Kenyatta & Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi oo shalay gaaray Magaaladaas, si ay uga wada hadlaan arrimo dhowr ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in qodobada labada dhinac ay kawada xaajoodeyn ay kala yihiin: Danaha Kenya & Gobaladda Waqooyi, in kulan kale ay yeeshaan Berri oo Talaado ah 15-ka December 2020 & dhammeystirka qodobo qabyo u ah.

Wafdiga la socda Muuse Biixi ayaa la kulmay xubno kala duwan oo katirsan Dowladda Kenya si ay xoojiyaan wadahadalka, maadaama wada-xaajoodka xooggiisu uu u dhaxeeyo Uhuru Kenyatta & Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi.

Kenya xiriir wanaagsan kalama dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya, waana tan keentay in ay xoogga saarto la kulanka Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi oo qudhiisa fursado gaar ah ka dhex eeganaya is qab-qabsiga labada Dowladood.

Urur Goboleedka IGAD ayaa shaaciyay in 20-ka December 2020 oo ku beegan Axadda Todobaadka soo socda in Jabuuti lagu galayo dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya oo uga timid dhinaca Soomaaliya.

DFS ayaa dhiggeeda Kenya ku eedeysay in ay martigelineyso kulamo ay ku sheegtay in looga gol-leeyahay duminta dalka sida ay hadalka u dhigtay, waxa ay shuruud culus dul dhigtay muwaadiniinta shacabka & diblumaasiyiinta kenyanka ah ee dalka soogalaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga caroortay xiriirka Gobaladda Waqooyi iyo Guinea, ayaa 4-tii July 2019-kii jartay cilaaqaadkeeda, kadib markii ay ku eedeysay faragelinta madax bannaanida dalka, halka Taiwan ay ku dacweysay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Haddaba, Muxuu noqon doonaa Go’aanka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadaneyso Kenya ee la xiriirta Arrimaha Gobaladda Waqooyi?

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u safray Jamhuuriyadda Guinea.

Dowladda Soomaaliya oo xiriirka u jartay dalka Guinea.

Soomaaliya & Guinea-Conakry.

Axadle.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More