“Soomaaliya waxa ay muhiim u tahay Madasha Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuryadda Shacabka Shiinaha ee Qin Jian oo Wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Dowladda ayaa ka hadlay xiriirka Xukuumadaha Muqdisho & Beijing, heerarka kala wan uu soo maray iyo muhiimadda maalgashiga Afrika.

Qian Jian ayaa sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay Saaaxiibada ugu wanaagsan ee  Qaaradda Afrika, Shirka Shiinaha ee maalgashiga waxa ay lasoo shir-tagtay fursado la maalgashhan karo oo aad usoo jiitay.

“Soomaaliya waxa ay muhiim u tahay maalgashiga Shiinaha ee Afrika, sanadkaan waxaa dhacay Calaamado la arki karo oo dhisaya xiriirka, Soomaaliya waxa ay heysaa khayraat ay la timid madasha Shiinaha & Afrika, Shiinuhu waxa uu taageero & xiriir wada shaqeyn la leeyahay dalal Soomaaliya ay kamid tahay” Sidaasi waxaa yiri Danjirahaa Jamhuuriyaddaa Shacabka Shinaha ee Sooomaaliya.

Danjire Qian Jian ayaa dhanka kale sheegay in mashaariic dib udhis ah ay ku howlan tahay Xukuumadda Beijing si fursad dhaqaale loogu abuuro muwaadiniinta dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

“Shiinuhu waxa uu bixinayaa Mashaariic lagu dhisayo Dekedo, Garoomo Diyaaradeed, Waddooyin & mashaariic kale uu la saxiixday dalalka Afrika, Madasha Iskaashiga Shiinaha & Afrika waa marinka loosoo marayo fulinta howshaas, Sidaas awgeed Shiinuhu waxa uu u baahan yahay wada-shaqeyn dhexmarta Bulshada Shiinaha & Afrika si looga gudbo Caqabadaha Caalamka ka taagan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Danjire Shiinaha ee Soomaaliya.

Shiinaha & Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir ku siman dhinacyada dhaqaalaha & Siyaasadda, balse DFS waxa ay iskaashi dhanka Militariga ah la wadaagtaa Mareykanka oo la xifaaltama Xukuumadda Beijing.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More