Hogaamiye Farmaajo muxuu kala hadlay Guddoonka Baarlamaanka
Hogaamiyaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan Muqdisho kula qaatay Guddoonka Baarlamaanka & Xidhibaannada DG Galmudug oo ku sugan Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Raysul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Maxamed Nuur Gacal, ku xigeenka 1-aad Cabdullaahi Xirsi Maxamed, ku xigeenka 2-aad Faadumo Cabdi Cali & Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.
Hogaamiyayaasha ka qaybgashay kulanka ayaa mid mid khudbado kooban loo siiyay waxa ay diiradda ku saareen Xaaladda dalka, wadatashiga saamileyda siyaasadda & habka looga gudbi karo culeyska taagan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa madasha ka sheegay waxyaabaha u qabsoomay muddada uu dhisan yahay maamulkaas, kaalinta Galmudug ee howsha hor-tebinta leh ee lagu saldhigay doorashada 20/21.
Xildhibaannada uu la kulmay Madxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee DG Galmudug ayaa dhawaan fadhi la yeeshay Raysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo kamid ah musharixiinta Hogaamiyaha 2021.
Axadle.