Maxkamadda Sare Puntland oo mudeysay dhageysiga kiiska

Maxkamadda Sare ee Puntland, ayaa si rasmiya u muddaysay dhegaysiga dacwad la xiriirta sax-ahaanshaha xilka xayuubintii lagu sameeyay 8 mudane oo ka tirsanaa Baarlamanka Dowlad-goboleedka Puntland.

- Advertisement -

Maxkamadda sare, waxa ay dhegaysiga kiiskaas u muddaysay 10-bishan December oo ku beegan Khamiista todobaadkan, kadib markii xildhibaannadii xilka xayuubinta lagu sameeyay ay soo gudbiyeen dacwad la xiriirta kiiskooda.

Dacwadda kiiskan, waxa la dhegaysan doona 9:00am subaxnimo ee maalinta Khamiista ah, sida ay shaacisay Maxkamaddu.

Xildhibaannada xilka laga xayuubiyay waxay kala yihiin; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Muuse Siciid Xassan (Jajabsay) , Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More