Nin ka Ganacsada Dhulka oo lagu dilay Duleedka Dhuusamareeb.

Duleedka Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka israsaaseyn ka dhalatay Dhul la isku qabsaday, waxaana shaqaaqo kooban oo dhexmartay dhinacyada dhulka isku heysta ka dhalatay khasaare Dhimasho.

Hal qof ayaa ku dhintay isku dhaca dhexmaray maleeshiyada hubeysan, sida dadka deegaanka ay Mustaqball u sheegeen, waxaana lagu magacaabaa Marxuumka ku dhintay Cabdullaahi Caabi.

Ninkaan ayaa kamid ahaa shaqsiyaadka ka Ganacsada Dhulka, waxaana soo gaaray dhaawac uu ugu dambeyn u dhintay sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, waxaana lagu wadaa in isla maanta aas loo sameeyo.

Hay’adaha ammaanka DG Galmudug wali kama aysan hadlin is qab-qabsiga dhulka la xiriira oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay Deegaannada hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Khasaaraha ugu badan ee ka dhasha isku dhacyada maleeshiyaadka hubeysan waxa uu gaaraa dadka rayidka ah, dilka kadib waa ay baxsadaan kooxaha hubeysan, iyada oo ugu dambeyn lagu xaliyo wada-xaajood ay gar-wadeen ka yihiin Odoyaasha Beelaha.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More