10ka Tababare Ee Dunida Ugu Fiican Oo Laga Magacaabay –
Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa loo magacaabay tababaraha ugu fiican dunida isagoo ka horeeya macalinka Manchester City Pepe Guardiola iyo tababaraha Bayern Munich Hans-Dieter Flick.
- Advertisement -
53 jirkaan Jarmalka ayaa ka tagay Borussia Dortmund sannadkii 2015 isagoo u saxiixay Liverpool, wuxuuna fure u noqday guulaha Reds.
Klopp wuxuu ku guuleystay Champions League sannadkii 2019 ka hor inta uusan soo gabagabeynin mudadii dheereyd ee ay Liverpool sugeysay Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
Hilinka ESPN ayaa qiimeeyay tababarayaasha ugu fiican dunida iyagoo kaalinta koowaad siiyay macalinka Liverpool Klopp.
Flick ayaa kaalinta labaad galay inkastoo uu xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Bayern Munich.
Guardiola iyo macalinka Atalanta Gian Piero Gasperini ayaa seddexaad iyo afaraad ku dhameystay halka tababaraha RB Leipzig Julian Nagelsmann uu kaalinta shanaad ku jiro.
10ka Tababare Ee Ugu Fiican Dunida Ee ESPN:
10 – Carlo Ancelotti (Everton)
9. Zinedine Zidane (Real Madrid)
8. Julen Lopetegui (Sevilla)
7. Diego Simeone (Atletico Madrid)
6. Marcelo Bielsa (Leeds United)
5. Julian Nagelsmann (RB Leipzig)
4. Gian Piero Gasperini (Atalanta)
3. Pep Guardiola (Manchester City)
2. Hans-Dieter Flick (Bayern Munich)
1. Jurgen Klopp (Liverpool)