Raheem Sterling Oo Rikoodh Cusub Loo Diiwaangeliyay Xilli
Manchester City ayaa soo gashay kaalinta afaraad ee kala sareynta ka dib markii ay 2-0 si raaxo ah ugu dubteen kooxda Fulham oo marti ku aheyd garoonka Etihad Stadium.
- Advertisement -
Gool uu saxiixay Raheem Sterling iyo rigoore uu dhaliyay boqorka caawinta Kevin de Bruyen ayay kooxda Man City ku dubatay Fulham iyagoo haatan leh 18 dhibcood ka dib 10 kulan ay ciyaareen, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan kooxaha hogaanka haya ee Tottenham iyo Liverpool.
Manchester City ayay ku qaadatay kaliya lix daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta. Fulham ayaa sameysay qalad weyn iyagoo kubada khadka dhexe ku siiyay De Bruyne kaasoo isna ku ciqaabay markii uu kubada u dhigay Raheem Sterling oo shabaqa dhex dhigay.
Qaladaadka Fulham ayaa sii laba jibaarmay markii rigoore laga dhigay daqiiqadii 25aad.
Anderson oo qalad ku lahaa goolkii hore ayaa markaan qalad ku galay Sterling taasoo keentay in garsooraha uu tilmaamo gool ku laad.
Kevin de Bruyne ayaa u soo istaagay rigoorada isagoo dhinac qaldan u diray goolhaye Areola islamarkaana hogaanka Manchester City ka dhigay 2-0.
Raheem Sterling ayaa loo diiwaangeliyay rikoodh cusub isagoo noqday xiddigii ugu horeeyay taariikhda Premier League ee loo dhigo 20 rigoore.
Man City ayaa fursado kale oo goolal loo fishay heshay balse gool kale ma aysan dhalinin qeybtii hore iyadoo lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku hayeen.
Qeybtii labaad Man City waxay ku bilaabatay sidii qeybta hore iyadoo De Bruyne uu birta garaacay daqiiqadii 50aad, fursadahoodana waxa uu ahaa mid isdaba joog ah.
Laakiin Fulham ayaa ku guuleysatay inay halista Man City ku xakameyso labadii gool ee ay dhaliyeen qeybtii hore ee ciyaarta. Waxayba ciyaarta maamulkeeda la wareegeen daqiiqadihii ugu danbeeyay balse wax gool ah ma aysan dhalinin.
Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Man City ku badisay.