Real Madrid Oo Ugu Danbeyn Guul Gaartay, Sevilla Ayay Si
Real Madrid oo kulamadii ugu danbeeyay ilowday sida loo badiyo ayaa ugu danbeyn wadada guusha ku soo laabatay ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Sevilla oo marti loo ahaa.
- Advertisement -
Los Blancos oo aan badinin seddexdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka La Liga islamarkaana laga badiyay kulankii Champions League ayaa kaga badisay kooxda Sevilla gool uu qeybtii labaad u saxiixay Vinicius Jr.
Guushaan waxay ka dhigan tahay in Real Madrid ay haatan ku jirto kaalinta 3aad iyagoo leh 20 dhibcood, waxay afar dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Real Sociedad.
Qeybtii hore ee ciyaartii garoonka Ramon Sanchez Pizjuan waxay aheyd mid lagu caajisay inkastoo Real Madrid ay ka caabooneyd kooxda martida loo ahaa ee Sevilla. Balse ma jirin fursad dahabi aheyd oo ay abuureen labada kooxood iyadoo Vinicuis Jr uu dhamaadkii qeybta hore u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Los Blancos.
Qeybtii labaad Real Madrid ayaa wax ka bedeshay ciyaarteeda, waxayna taasi u suurtogelisay inay hogaanka u qabtaan ciyaarta daqiiqadii 56aad.
Benzema ayaa ciyaarta u furay garbaha, iyadoo Mendy uu karoos soo dhex dhigay xerada ganaaxa, waxaana kubada helay Vinicius Jr oo shabaqa ku hubsaday halka goolhayaha Sevilla uu si qaab daran u ciyaaray.
Sevilla ayaa inkastoo ay heysatay kubada inteeda badan qeybytii labaad hadana Madrid ayaa noqotay kooxdii shabaqa soo taabatay iyadoo Sevilla ay fursad halis ah heshay daqiiqadii 74aad markii Gudelj uu laad xor ah ku sigay goolka isagoo shabaqa geeskiisa toogtay.
Daqiiqadihii ugu danbeeyay ciyaarta Real Madrid ayaa ciyaarteeda u bedeshay inay difaacato goolka Vinicius Jr halka Sevilla ay raadineysay goolka barbaraha.
Daqiiqadii 86aad goolhaye Courtois ayaa fursad fiican ka beeniyay weeraryahanka Sevilla Ocampos, halka Sevilla ay daqiiqadii 88aad ku dacwootay rigoore markii Vazquez uu xerada ganaaxa ku taabtay Fernando laakiin garsooraha dheg uma dhigin.
Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Real Madrid ku badisay ka dib seddex kulan oo ay guul gaari waayeen horyaalka La Liga.