Waa Kuma Goddoomiyaha cusub ee guddiga Doorashooyinka? –

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka  ayaa guddomiye u doortay Maxamed Xasan Maxamed oo muddo katirsanaa Raadiyaha Ergo oo fadhigiisu yahay Nairobi, Haddaba waa kuma Maxamed Xasan?

- Advertisement -

Noloshiisa:

Maxamed Xasan waxa uu ku dhashay deegaanka Widhwidh ee gobolka Togdheer, Todobaatameeyadii ayaa Qoyskiisu kamid noqday reerihii dowladdu ka soo rartay gobolka Togdheer oo ay xilligaas abaartu saameysay, degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa la dejiyey qoyska Maxamed iyo Qoysas kale oo ku biiray Barnaamijkii Danwadaagaha ee xukuumaddu ugu tala-gashay in dib u dejin loogu sameeyo Qoysaska mood iyo Noolba abaartu dhaafisay, kadibna waxa uu u wareegay magaalda Muqdisho.

Maxamed Xasan guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka oo  khilaaf iyo muran ka taagan yahay sharci-nimadiisa ayaa haysta 3 dhalasho oo kaladuwan kuwaas oo uu kahaysto Kenya, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Horraantii sagaashameeyadii ayuu tegey Kenya, isaga oo halkaas ku noolaa ilaa 2020, kaddibna waxa uu u soo wareegay magaalada Muqdisho

Waxbarashadiisa:

Maxamed Xasan waxa uu dugsiga sare uga baxay magaalada Muqdisho sideetameeyadii, Sida ay Axadle u sheegeen saaxiibada Maxamed Waxa uu iska diiwaangeliyay jaamacadda Mount Kenya ee dalka Kenya, balse sanadkii koowaad ayuu ka haray iyadana oo aan la ogaan sababta.

Xirfaddiisa shaqo:

Shaqada kaliya ee rasmi ah ee noloshiisa uu qabtay waa Barnaamij soosaare raadiyaha arrimaha Bini’aadamnimada ee Irin oo goor dambe qaatay magaca Ergo oo ay xaruntiisu tahay Nairobi.

March 2020, ayaa laga ceyriyay shaqada Radio Ergo oo uu ka ahaa barnaamij soosaare sababo la xiriira anshaxa shaqada sida ay  xaqiijiyeen ilo ku dhow Radio Ergo oo taageero ka hela hay’adda IMS.

Maxamed waxa uu hiwaayad ahaan u leeyahay qorista isaga oo dhowr buug qoray, kana qeyb galay bandhigyo buugaag oo Soomaaliya ka dhacay, sidoo kale waxa uu xubin ka yahay xarunta dhaqanka ee Ow Jaamaca ee magaalada Nairobi.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More