Zidane, Ronaldo, Firmino, Aubayemang & Michael Owen –

Erling Braut Haaland ayaa xili ciyaareedkiisii labaad kasoo muuqana tartanka Champions League, waxaana iyadoo sannadkan la marayo wareeggii ugu horreeyey ee groupyada u suurtogashay inuu isku boodhka ku qaso xiddigo waaweyn oo uu dhaafo rikoodhkoodii gool-dhalinta ee tartankan.

Weeraryahanka da’da yar ee reer Norway oo xili ciyaareedkii hore ee 2019/20 kusoo baxay kooxda RB Salzburg oo goolal tiro badan oo layaab lahaa uu dunida isku baray, waxa uu dhaliyey 13 gool 15 kulan oo uu u kala saftay Salzburg iyo Borussia Dortmund oo uu midba waqti u ciyaaray.

Xili ciyaareedkan bilowga ah, waxa uu dhamaan tartamada ka dhaliyey 17 gool 13 ciyaarood oo uu saftay, taas oo ka dhigaysa weeraryahanka ugu halista badan waqtigan ee ay shabaqa saaxiibka yihiin.

Marka lagu noqdo Champions League oo kaliya, Erling Braut Haaland waxa uu shabaqa taabsiiyey lix gool afar ciyaarood gudahood isagoo hoggaanka u haya tartanka gool-dhalinta.

Marka la isugu geeyo dhamaan goolashiisa Champions League ee xili ciyaareedkii hore iyo kan hadda socda, waxa uu dhaliyey 16 gool isagoo saftay 12 kulan.

Rikoodhkan cajiibka ah waxa uu ku garaacay xiddigo waaweyn oo dunida sumcad ku leh oo qaarkood ka fadhiisteen, kuwo kalena wali kusii jiraan garoomada.

Ma rumaysan kartaa in Erling Haaland uu ka goolal badan yahay Zinedine Zidane tartanka Champions League, maskaxdaada se ma geli karaysaa in halyeygii reer Brazil ee Ronaldo Nazario uu hadda dhaafay Haaland oo uu kaga goolal badan yahay tartanka Champions League?

Xaqiiqo weeye e rumayso.

Halkan ka akhriso xiddigaha waaweyn ee Erling Haaland uu kaga goolal badan yahay Champions League:

15. Dennis Bergkamp – 7 gool

14. Christian Vieri – 10 gool

=12. Michael Owen – 11 gool

=12. Diego Costa – 11 gool

=10. Olivier Giroud – 13 gool

=10. Carlos Tevez – 13 gool

=5. Adriano – 14 gool

=5. Miroslav Klose – 14 gool

=5. David Villa – 14 gool

=5. Ronaldo Nazario – 14 gool

=5. Zinedine Zidane – 14 gool

=2. Paulo Dybala – 15 gool

=2. Pierre-Emerick Aubameyang – 15 gool

=2. Roberto Firmino – 15 gool

1. Erling Braut Haaland – 16 gool

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More