‘Run ma ahan’:Muslim Pro oo Iska diiday iney ka iibiyaan xogta isticmaalayaasha millatariga Mareykanka

App-ka caanka ah ee salaadda Muslimiinta ayaa sheegaya inay ka go'an tahay ilaalinta asturnaanta isticmaaleyaasha ka dib baaritaanka la shaaciyey oo buuq dhaliyay.

Barnaamij caan ku ah salaada Muslim pro ee islaamka iyo quraanka ayaa meesha ka saaray warbixin sheegaysa inay iibiiyaan xogta gaarka ah ee isticmaaleyaashooda oo ay ka ibiyaan dalaaliin ka dibna ay ku wareejiyaan militariga Mareykanka.

“Warbixinnada warbaahineed ayaa lagu faafiyey in shirkadda Muslim Pro ay ka iibineysay militariga Mareykanka xogta shaqsiyadeed ee dadka isticmaala appkooda. Tani [waa] mid aan sax ahayn oo aan run ahayn, ”ayay soosaarayaasha barnaamijkan caanka ah ku sheegeen bayaan ay soo dhigeen boggooda Talaadadii.

Soosaarayaasha barnaamijka, oo “ay appkooda haystan ku dhowaad 100 milyan oo isticmaaleyaal ah oo ka kala socda in ka badan 216 dal oo adduunka ah”, ayaa sheegay inay “ka go’an tahay ilaalinta iyo sugidda sirta isticmaaleyaashooda”.

“Tani waa arrin aan si dhab ah aan uga taxadareyno,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Muslim Pro ayaa la kulmay dhaleeceyn kadib markii baaritaan ay sameysay majaladda internetka, ee Motherboard, ay ku ogaatay in barnaamijkan uu ka mid yahay boqolaal la sheegay inay lacag ka sameeyeen iyagoo ka iibinaya xogta meesha ay ku sugan yihiin isticmaaleyaasha dallaaliinta gacan sadexaad ah, oo markaa ay iibsadan xogta dib uga sii ibiyaa militariga Mareykanka.

X-Mode, oo ka mid ah shirkadaha ku lugta leh iibinta xogta goobta, ayaa sheegtay inay la socoto 25 milyan oo qalab gudaha Mareykanka bil kasta iyo 40 milyan oo meelo kale ah – oo ay ku jiraan Midowga Yurub, Latin America, iyo Aasiyada gobolka Baasifigga.

Qoraalay soo saartey, Muslim Pro waxaay ku dhawaaqeen inuu xiriirka u jarayo shirkaddaas.

“Waxaan go’aansanay inaan joojino xiriirka aan la laheyn dhammaan shirkadaha aynu la wadaagi jirney xogta isticmaalayaasha, oo ay ku jiraan X-Mode, isla maantaba waa uu dhaqan galay,” ayaa lagu yiri.

X-Mode wuxuu u sheegay Motherboard-ka in uu ganacsi uu la leeyahay qandaraaslayaasha militariga Mareykanka inuu yahay “mid caalami ah oo ugu horreyn diirada lagu saaro seddex kiis oo adeegsi ah maclumaadkaas isticmaalayaasha: ladagaalanka argagixisada, amniga internetka iyo saadaalinta mustaqbalka, COVID-19 cilimiladda meelaha kulul”.

Mjaladda Motherboard wuxuu adeegsadaa softiweer u sahlayaa in in ay xogta isticmaalayaasha aag ay ku sugan yihiin iyo maclumaadkooda sii sahlan uu helaan, alladan ayaa ku shaqeysa labada nooc ee Android iyo iOS kaas oo barnaamijkan u dirinaayo xogta goobta shaqsiga “X-Mode endpoint end”.

Barnaamijyada kale ee baaritaanka ka soo muuqday waxaa ka mid ahaa barnaamijka shukaansiga ee ‘Muslim Mingle‘ kaas oo in ka badan 100,000 oo jeer lala soo degay.

Milatariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay warbixinta Motherboard-ka, iyagoo sheegay in ay u adeegsadaan xogta si ay u ga caawiso “Shuruudaha howlgalada ciidamada gaarka ah ee looga baahan yahay xiliga ay dibada hawlga ka fulinayaan”.

Laakiin dadka adeegsada barnaamijyada ‘Muslim Pro’ ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin warbixinta lagu soo daabacay baraha bulshada, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay fariin qoraaled uu dhafen shirkadda ay sheegeen inay iska tirtiri doonaan Aaladooda Muslim pro.

Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More