Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in lakala diro guddiyada

Midowga Musharaxiinta Madaxweynayaasha Soomaaliya ayaa goor dhow war murtiyeed ka kooban 18 qodob, kaddib shir u socday lix maalmood oo ay ku yeesheen Muqdisho.

War murtiyeedka ka soo baxay Musharaxiinta ayaa lagu dalbaday in lakala diro Guddiyada doorashada, maadaama ay ku jiraan Saraakiil ciidan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Musharixiinta.

Sidoo kale war murtiyeedka Musharaxiinta ayaa lagu baaqay in doorashada xubnaha Xildhibaannada Gobolada Waqooyi lagu qabto Teendhada Afisyooni ee garoonka diyaaradaha, ayna goobjoog ka ahaadaan Musharaxiinta, Beesha Caalamka iyo Ciidamada Amniga.

Waxaa kaloo Musharaxiinta ay dalbadeen in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu soo magacaabo Guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Murashaxiinta madaxtinimada ayaa ku baaqay in uu xilka baneeyo agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, iyagoo ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in uu joojiyo ku tagrifalka awoodeed iyo in uu xaqiijiyo madax-banaanida hay’adda NISA.

Qoraalkooda ayay ku dalbadeen in Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ciidamadeeda kala soo baxdo gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya, loona madax-baneeyo.

Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta ayaa ka digay in dowladda Federaalka ay qaado tallaabo lagu taaba gelinayo doorasho aan heshiis lagu aheyn, waxaana ay caddeeyeen inay ka shaqeyn doonaan hannaan doorasho dalka lagu badbaadinayo, si aanu u dhicin firaaq awoodeed iyo mid Dastuuri.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More