Sky Sports Oo Saadaalisay Kulamada Isbuuca 9aad Ee Premier
Sky Sports ayaa saadaal ka bixisay kulamada wareega sagaalaad ee horyaalka Premier League iyadoo kulamo xiiso badan la ciyaarayo oo ay ka mid tahay kulanka u dhaxeeya Tottenham iyo Manchester City.
Tababarayaasha xafiiltanka weyn uu ka dhaxeeyo ee Jose Mourinho iyo Pep Guardiola ayaa Sabtida isaga horimaan doona Waqooyiga London iyadoo Sky Sports ay saadaalisay in Spurs ay 1-0 kaga badin doonto kooxda Sky Blues.
Isla Sabtida Chelsea ayaa u safreysa kooxda Newcastle United iyadoo Sky Sports ay saadaalisay in Blues ay 2-0 kaga badin doonto kooxda Newcastle.
Man United oo Old Trafford ku soo dhaweyneysa West Brom Sabtida ayaa loo saadaaliyay guul ah 3-0 taasoo haddii ay dhab noqoto cadaadiska ka qaadi doonta tababare Ole Gunnar Solskjaer.
Axada kooxda Arsenal oo guuldarro ka soo gaartay Aston Villa kulankoodii ugu danbeeyay ee Premier League ayaa booqan doonta Leeds United iyadoo la saadaaliyay in Gunners ay 2-1 ku badin doonto.
Kooxda horyaalka difaacaneysa Liverpool ayaa Anfield kula balansan kooxda hogaamineysa horyaalka ee Leicester City, waxay Sky Sports saadaalisay in Liverpool ay 3-1 ku badin doonto.
SAADAASHA SKY SPORTS EE KULAMADA PREMIER LEAGUE:
Sabti
Newcastle 0-2 Chelsea
Aston Villa 3-2 Brighton
Tottenham 1-0 Man City
Man United 3-0 West Brom
Axad
Fulham 2-1 Everton
Sheffield United 0-1 West Ham
Leeds United 1-2 Arsenal
Liverpool 3-1 Leicester City
Isniin
Burnley 0-1 Crystal Palace
Wolves 1-1 Southampton