Waa Kuma Xiddiga Arsenal Ee Ay Ku Dagaalamayaan Xulalka
Goolhayaha da’da yar ee Arsenal Ovie Ejeheri ayaa soo bandhigay inuu leeyahay mustaqbal weyn taasoo keentay inay ku tartamaan xulalka England, Uganda iyo Nigeria iyadoo xiddigaan uu seddex wadanba u dheeli karo.
17 jirkaan oo ka soo baxay akadeemiga Arsenal ee Hale End ayaa ku dhashay England, waxaa iska dhalay aabe Nigerie u dhashay iyo hooyo Uganda u dhalatay, waana sababta uu seddexda wadanka ugu dheeli karo.
Wuxuu diirada u saraan yahay kooxo badan oo Premier League ah halka xiriirka kubada cagta Ingariiska ay doonayaan in goolhayahaan sida weyn loo qiimeeyo uu ku biiro xaruntooda tababarka goolhayayaasha bisha December.
Ejeheri ayaa aaminsan in ka qeyb qaadashadiisa tababarka December inay u noqon doonto fursad weyn uu ku soo bandhigo awoodiisa taasoo keenu karta in looga soo yeero xulka England ee U20 ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka ee 2021.
“Waxaan dareemayaa inay tahay fursad aad u fiican inaan ku soo bandhigo tayadeyda. Muddo ka badan toban sannadood ayaan si adag uga soo shaqeynayay Arsenal. Aad ayaan ugu faraxsanahay in howsha aan qabtay ay ogaadeen xiriirka kubada cagta Ingariiska iyo shaqaalaha tababarka” ayuu da’ yarkaan u sheegay Goal.
“Hamigeyga waa inaan seddexda sanno ee soo socota kubad joogta ah u ciyaaro koox islamarkaana aan aan masraxa dunida ku matalo England ama Nigeria.”
Dagaalk ayaa u bilaaban doona wadamada England, Uganda iyo Nigeria bilaha soo socda iyagoo isku dayaya inay ka dhaadhiciyaan da’ yarkaan inuu xulkooda ku soo biiro.