Dani Ceballos Oo Ka Jawaab Celiyay Warka Sheegaya Inay
Dani Ceballos ayaa beeniyay warbixintii maanta lagu qoray The Athletic ee sheegeysa in wajiga feer looga dhuftay ka dib dagaal dhexmaraya iyo xiddiga ay isku kooxda yihiin David Luiz.
Warbixinta The Athletic ayaa sheegtay in xiddiga khadka dhexe oo amaah uga soo mqan Real Madrid inay garoonka tababarka ku dagaalameen xiddiga reer Brazil David Luiz taasoo keentay in wajiga feer looga dhufto islamarkaana sankiisa uu dhiig ka soo daato.
FAKE https://t.co/QOrbZpXF8J
— Daniel Ceballos (@DaniCeballos46) November 19, 2020
Warkaan waxaa baahiyay wariyaha The Athletic, David Ornstein oo ah nin lagu yaqaano sugnaanshaha wararkiisa iyo xogta uu soo gudbiyo, inkastoo uu Ceballos beeniyay warkaan hadana weli ma cadda wixii ka dhacay garoonka tababarka Arsenal maalintii Jimcaha.
Ceballos ayaa bogiisa Twitter uga jawaab celiyay warbixinta uu qoray Dvaid Ornstein isagoo ku soo dul qor: “BEEN”
Warbixinta The Athletic waxaa lagu sheegay in David Luiz uu ka carooday taakal uu kala kulmay Ceballos taasoo keentay inuu durbadiiba uga jawaab celiyo feer uu wajiga kaga dhuftay xiddiga reer Brazil.
Waxay taasi keentay in Ceballos uu dhulka ku dhaco isagoo sanka ka dhiigaya, wuxuuna soo istaagay isagoo diyaar u ah inuu dagaalamo laakiin waxaa kala qabtay xididgaha kale ee kooxda Arsenal iyadoo labada xiddigba loo diray guryahooda.
Waxaa la sheegay in labada xiddigaba ay raaligeliyeen asxaabtooda kale ee joogtay garoonka tababarka islamarkaana ay ka heshiiyeen dagaalkooda.