Inka Ilow Dhaawacyadii Robertson, Arnold, Gomez, Van Dijk,
Kabtanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jordan Henderson ayuu xalay dhaawac kasoo gaadhay kulankii xalay uu xulka qaranka England kaga hadhay tartanka UEFA Nations League ee waddanka Belgium uu ku garaacay 2-0.
Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa xaqiijiyey in Henderson uu beddelay markii uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa, taas oo sii kordhisay musiibada dhaawacyada Liverpool.
Laacibkan ayaa la beddelay waqtigii nasashada, waxaana booskiisa yimid Harry Winks, xilli ciyaartanna ay awoodi waayeen inay ka daba yimaaddaan Belgium oo waqti hore helay laba gool oo deg-deg ah.
Southgate oo warbaahinta la hadlay dhamaadkii ciyaarta ayaa xaqiijiyey in Henderson uu awoodi kari waayey inuu garoonka kusoo laabto qaybtii dambe, kaddib waxyeello kasoo gaadhay muruqa oo sameeyey isku-urur iyo xanuun.
“Jordan xoogaa ayuu muruqiisu adkaaday waqtigii nasashada, waxaanu dareemay inaanu ciyaarta sii wadan karaynin.” Ayuu yidhi Gareth Southgate oo intaa raaciyey: “Waxaanu qiimayn doonaa dhaawaciisa marka aanu laabano.”
Dhaawaca Liverpool ayaa jug kale oo weyn ku ah Liverpool oo Khamiistii uu ka dhaawacmay Andy Robertson oo wax ku noqday kulankii Scotland iyo Serbia.
Sidoo kale, waxa hore uga maqnaa saddexda difaaca ee Alexander-Arnold, Joe Gomez iyo Virgil van Dijk oo lagu daray Fabinho, Thiago Alcantara iyo Oxlade-Chamberlain.
Liverpool ayaan wax warbixin ah kasoo saarin dhaawacyada Henderson iyo Andy Robertson, laakiin waxay ka walaacsan yihiin taam ahaanshahooda kulanka adag ee toddobaadka soo socda ay ku ballansan yihiin Leicester City.
Maqnaanshaha Virgil van Dijk, Joe Gomez, Alexander-Arnold iyo Andy Robertson, waxa uu Jurgen Klopp ka fikirayay inuu difaaca dhexe ka ciyaarsiiyo Jordan Henderson haddii Fabinho soo kaban waayo, isla markaana uu saluugo laacibiinta aan khibradda badan lahayn ee dantu ku qasabtay inuu dheelsiiyo kulamadii u dambeeyey.
Waxa kale oo Liverpool ka maqnaanaya ciyaarta usoo horreysa laacibkooda Mohamed Salah oo uu ku dhacay Korona Fayras, isla markaana shaki la gelinayo kulanka Champions League ee badhtamaha usbuuca dambe.
Warka wanaagsan ee Klopp usoo yeedhaya ayaa waxa uu yahay inay suurtogal tahay in Fabinho uu taam noqonayo ka hor kulanka Leicester.
Liverpool ayaa ku jirta xaaladdii ugu xumayd ee dhaawacyada iyo xanuunnada, horena umay soo marin in afarta difaacu ay mar kaliya ka wada dhaawacmaan, sidoo kalena ay raacaan saddexda khadka dhexe ee Henderson, Fabinho iyo Thiago.
Si kastaba, saamaynta uu Hendo ku leeyahay Liverpool ayaa si weyn loo dareemay xili ciyaareedkii hore markii uu dhaawaca kaga maqnaa qaybtiisii dambe, iyadoo la waayey laacib sidiisii oo kale u buuxin kara booska dhexe, taas darteedna ay guul-darrooyin badan lasoo darseen.