Golaha Wakiilada DG Hir-Shabeelle oo qaatay talo uu soo
Madaxweynihii hore ee DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa horaantii bishaan wareysi uu bixiyay waxa uu uga hadlay dhibaatada heysata Dowlad Goboleedkaas oo ay ugu weyn tahay waqtiga doorashada oo ku beegan Doorashada Dowladda Federaalka.
Baarlamaanka labaad ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa maanta damacsan in sanad dheeraad ah ugu daraya maamulka cusub ee 11-ka November 2020 loo doortay Hogaamiyaha & ku xigeenkiisa.
Qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle ayaa Axadle u sheegay in culeys maamul ay sababtay in had iyo jeer waqti ahaan dhismaha maamulkaas uu kusoo beegmo waqti la isu diyaarinayo doorashada DFS.
“Go’aanka Baarlamaanka ayaa iska leh, balse Xildhibaanno badan ayaa aaminsan in sanad laga durjiyo waqtiga doorashada Dowlad Goboleedka, maadaama culeys badan uu ka yimid isu diyaarinta doorashada federaalka, sidaas awgeed maanta waxa aan wadnaa soo jeedin ah in sanad aan kordhiyo muddo xileedka DG Hir-Shabeelle” Sidaasi waxaa yiri qaar kamid ah Xildhibaannadaan u xog warramay Axadle.
Maxamed Cabdi Waare ayaa horaantii November 2020 sheegay in haddii la doonayo in la dhiso maamul si wanaagsan looga fakiray in la kala qaado waqtiga doorashada Federaalka & maamulkaas oo isku beegan.
Haddaba, Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle maku saxan yahay tallaabada uu ku kala waqti fogeynayo Doorashada Federaalka & tan maamulkaas?
Maxamed Cabdi Waare oo soo jeediyay in kala durjiyo Doorashada Hir-Shabeelle & tan Dowladda Federaalka oo waqti ahaan isu beegan.
Axadle.