Cesc Fabregas Oo U Jawaabay Taageerayaasha Arsenal Ee

Cesc Fabregas ayaa ugu baaqay taageerayaasha Arsenal inay sabar muujiyaan ka dib markii xilli ciyaareedka ay ku bilowdeen si gaabis ah iyadoo uu hogaaminayo Mikel Arteta.

Tababaraha reer Spain ayaa ka durbaba cadaadis ku hoos jira ka dib markii ay Arsenal guuldarro 3-0 ka soo gaartay Aston Villa Axadii la soo dhaafay.

Gunners ayaa laga badiyay afar ka mid ah sideedii kulan ee ay ciyaareen horyaalka Premier League, halka Arteta uu sidoo kale wajahayo eedeyo la xiriira go’aankiisa uu garabka bidix ee weerarka uga ciyaarsiinayo Pierre-Emerick Aubameyang.

Fabregas ayaa ku adkeysanaya in taageerayaasha Arsenal ay u baahan yihiin inay waqti siiyaan Arteta si fekradihiisa ay u dhaqangalaan.

“Dhageysta, waa xilli kala guur ah” ayuu Fabregas u sheegay shabakada 90min. “Mikel wuxuu leeyahay aragtiyo i gaar ah, laakiin waxay qaadaneysaa waqti inay dhaqangalaan.

“Dhibaatada tababare heysata maalmahaan waa inuusan waqti heleynin. Waxaa lagaa badinayaa seddex kulan, ka dibna qof walba ayaa dalbanaya in lagu ceyriyo.

“Waan ogahay inay aad iyo aad u adag tahay, sababtoo ah waxaad dooneysaa inaad hirgeliso aragtidaada, waana wax u baahan waqti.

“Mararka qaar waa ay adag tahay sababtoo ah kubada cagta waa mid degdeg ku socota, qof walba wuxuu doonayaa inuu badiyo, waxaa cadaadis kaaga imaanayaa maamulka, taageerayaasha iyo ciyaartoyda. Maalin walba diirada adiga ayay ku saaran tahay.

“Wuxuu isku dayayaa inuu helo kooxdiisa.

“Waxay heystaan Dani Ceballos, waxay heystaa Granit Xhaka, haatan waxay ku soo darsadeen Thomas Partey oo ay ka keeneen Atletico kaasoo ah ciyaaryahan aad u fiican. Waxay heystaan Willian, waxay heystaan Aubameyang, – ciyaartoyda aad iyo aad u sareysa, taaso waa hubaal boqolkiiba 100.

“Malaha waxay weli u baahan yihiin waqti si ay iskula qabsadaan”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More