Xulka Qaranka Morocco Oo La Shaaciyey, Ziyech & Hakimi Oo Lagu Daray
Xulka qaranka Morocco ee lagu naanayso Atlas Lions ayaa lagu dhawaaqay iyagoo isku diyaarinaya kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka.
- Advertisement -
Tababare Vahid Halilhodzic ayaa shaaciyey ciyaartoyga xulka qarankiisa ee kulamada saaxiibtinimo ee Ghana iyo Burkina Faso ee garoonka Prince Moulay Abdillah Sports Compelex ay bisha dambe ee June kula ciyaari doonaan, ka hor inta aanay gaadhin kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka.
Halilhodzic ayaa soo saaray liiska ciyaartoydiisa oo ka kooban 26 ciyaartoy oo ay hormood u yihiin xiddigaha Chelsea iyo Inter Milan ee Hakim Ziyech iyo Achraf Hakimi.
Ziyech ayaa finalka Champions League waxa uu Chelsea u ciyaari doonaa Sabtida, kaddibna waxa uu usoo duuli doonaa qaaradda Afrika oo uu kaga biiri doono xulka qarankiisa.
Xulka qaranka Morocco oo dhamaystiran:
Goolhayeyaal: Anas Zniti (Raja Casablanca); Monir El Kajoui (Hatayspor/Turkey); Reda Tagnaouti (Wydad Casablanca); Yassine Bounou (Sevilla FC/Spain).
Difaacyahanno: Achraf Hakimi (Inter Milan/Italy); Achraf Lazaar (Watford/England); Adam Masina (Watford/England); Ayoub El Amloud (Wydad Casablanca); Romain Saiss (Wolverhampton/England) Jawad El Yamiq (Real Valladolid/Spain); Nayed Aguerd (Rennes/France); Samy Mmaee (Ferencvaros/Hungary); Sofian Chakla (Getafe/Spain).
Khadka dhexe: Adel Taarabt (Benfica/Portugal); Aymen Barkok (Eintracht Frankfurt/Germany); Ilyas Chair (Queens Park Rangers/ England); Selim Amallah (Standard Liege/Belgium); Sofyan Amrabat (Fiorentina/Italy; Yahya Jabrane (Wydad Casablanca).
Weerarka: Achraf Bencharki (Zamalek/Egypt); Ayoub El Kaabi (Wydad Casablanca); Hakim Ziyech (Chelsea/England); Munir El Haddadi (Sevilla FC/Spain); Soufiane Rahimi (Raja Casablanca); Yousef En-Nesyri (Sevilla/Spain); Zakaria Aboukhlal (AZ Alkmaar/ Netherlands).