Zidane Oo Kusii Jeeda Premier League, Man United Oo Doonaysa SHAN
Manchester City ayaa doonaysa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa ee Jack Grealish oo 25 jir ah, waxaanay diyaarisay dalabkeedii u horreeyey oo £100 milyan oo Gini ah. (Mail)
- Advertisement -
Difaaca kooxdda Villarreal ee Pau Torres oo 24 jir ah iyo saddex ciyaartoy oo kale oo reer England ah oo kala ah Declan Rice, Jadon Sancho iyo Harry Kane ayaa kusoo baxay liiska uu tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer doonayo xagaagan. (Guardian)
Solskjaer ayaa Manchester United u saxeexaya heshiis cusub oo saddex sannadood ah, inkasta oo Red Devils ay guul-darro kasoo gaadhay finalka Europa League. (Telegraph)
Juventus ayaa shaqada ka caydhinaysa Andrea Pirlo, waxaana beddelaya tababaraheedii hore ee Massimiliano Allegri. (Guardian)
Allegri waxa uu Juventus u saxeexayaa heshiis 24 saacadood gudahood. (Sky Sports)
Real Madrid ayaa doonaysa in tababare uu u noqdo Mauricio Pochettino oo PSG jooga, kaddib markii uu Zinedine Zidane iska casilay, isla markaana ay Juventus ka hor qaadday Allegri oo dookheeda koowaad ahaa. (Goal)
Tottenham ayaa doonaysa in Zinedine Zidane oo Khamiistii ka tegay Real Madrid, laakiin waxa sidoo kale ay danaynayaan Antonio Conte oo isaguna Arbacadii ka tegay Inter Milan. (Telegraph)
Simone Inzaghi ayaa la filayaa in loo magacaabo tababarahha cusub ee Inter Milan, kaddib markii uu xalay iska soo casilay Lazio. (Athletic)
Bixitaankii Antonio Conte, waxa uu mugdi geliyey mustaqbalka tiro ciyaartooyo Inter Milan ah, waxaana xiddigaha bixitaanka lala xidhiidhinayo ku jira Achraf Hakimi oo ay doonayso Arsenal. (Express)
Manchester United ayaa qorshaynaysa, in Athletico Madrid ay u bandhigto in ay isku beddeshaan Jan Oblak oo 28 jir ah iyo David De Gea, waxaanay diyaar u tahay inay raaciso lacag. (Sun)
Chelsea iyo Tottenham ayaa ku dagaallamaya 28 jirka khadka dhexe uga ciyaara Borussia Monchengladbach ee Jonas Hofmann. (Kicker)
Chelsea waxay wada-hadallo la bilowday goolhayaha Talyaaniga ah ee Gianluigi Donnarumma. 22 jirkan ayay AC Milan xaqiijisay inuu si bilaash ah kaga tegayo. (90min)
Arsenal ayaa £21.5 milyan oo Gini ku xidhaysa Roma oo doonaysa Granit Xhaka, laakiin kooxda Talyaaniga ayaa kaliya diyaar la ah £10 milyan oo Gini. (Sky Sports)
Barcelona ayaa bixin doonta lacag magdhow ah oo caddadkeedu gaadhayo £10.3 milyan oo Gini, haddii ay shaqada ka caydhiso Ronald Koeman. (RAC1).