Xog: Al-Shabab oo Muqdisho ka billaabay olole doorasho

Muqdisho (Axadle) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa Axadle u sheegay in Al-Shabaab labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay u yeereen odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho, ganacsato, iyo qaar kamid ah macalimiinta Jaamacadaha gobalka Banaadir, waxayna kala hadleen arrimo quseeya doorashada Soomaaliya.

- Advertisement -

Saraakiil amni oo ku sugan Muqdisho ayaa Axadle u sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban Gobalka Banaadir, balse u dhaxeeya labada Shabeelle, uu dhinacyadan kala hadlay sidii loo taageeri lahaa in Al-Shabaab xubno ay wadato ay u galaan baarlamanka Soomaaliya.

“Waxaan la fariisanay afar qof oo kamid ah qeybaha bulshada oo ay u yeereen waxayna dhamaantood kala hadleen arrimaha doorashada, ma rabo inaan ku siiyo xogta oo dhameystiran laakiin waxaan kuu sheegayaa in sanadkaan Al-Shabaab dhaq dhaqaaq xoog leh wadaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’aaha ammaanka Soomaaliya oo la hadlay Axadle.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Al-Shabaab dadka ay u waceen ay isugu jiraan laba qeybood oo kala ah, kuwa ay rabaan in ay Xildhibaano ka dhigtaan iyo kuwa ka shaqeeya sidii ay Al-Shabaab xubno baarlamaan u heli lahaayeen.

“Al-Shabaab waxay rabaan in dad la yaqaano oo aan laga shakin doonin in ay Xildhibaano ka dhigtaan waxayna dhax-galayaan bahda waxbarashada iyo ganacsatada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalka la hadlay Axadle.

Dhowr jeer oo hore ayaa dowladda Soomaaliya looga digay in Al-Shabaab ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay kaga mid noqdaan doorashada Soomaaliya, ayaga oo horey ugu yeeray odayaasha soo xulaya ergooyinka, waxaana muuqato in qorshahaas uu hadda banaanka u soo baxayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More