Xiddigii Liverpool Ee Mustaqbalkiisa Uu Burburiyey
Michael Ngoo oo ka tirsanaa da’yarta Liverpool ayaa shaaca ka qaaday in jidh ahaan iyo maskax ahaanba uu dhaawac soo gaadhay kaddib taako aad u xumayd oo uu kala kulmay difaaca Reds ee Virgil van Dijk, laakiin uu haddana iska cafiyey.
- Advertisement -
Michael Ngoo oo ku biiray da’yarta Liverpool sannadkii 2009 ayaa tababarka la qaadan jiray ciyaartoyda Liverpool ee heerarka hoose, waligiina kama mid noqon kooxda waaweyn ka hor intii aanu amaahda ugu wareegin Hearts, Yeovil iyo Walsall.
Kaddib waxa uu sannadkii 2014kii heshiis rasmi ah u saxeexay kooxda reer Scotland ee Kilmarnock, laakiin musiibo ayaa ku dhacday markii uu lix ciyaarood oo kaliya u saftay.
Michael Ngoo ayay iska hor yimaaddeen Virgil van Dijk oo waqtigaas ka tirsanaa Celtic, waxaana taako uu ku qabtay kasoo gaadhay dhaawac culus, waxaanay taasi keentay in waayihiisa ciyaareed uu ku sigto in uu sidaa ku dhamaado.
Laacibkan dhibaatadu soo gaadhay oo bixiyey waraysi ayaa yidhi: “Kaliya jidh ahaan uma dhaawacmin – nafsad ahaan ayaan u burburay.
“Ka hor intii aanan gelin qalliinkaygii ugu horreeyey, dhakhaatiirtu waxay ii sheegeen in haddii aanay soo kabashadaydu u dhicin sida loo qorsheeyey, in aanan mar dambe ciyaari doonin kubadda cagta.
“Sidaas ayey ii caddeeyeen, daqiiqad kasta oo isoo martaana waxay ahayd mid xun. Waan walwalsanaa anigoo ka fikiraya wixii aan samayn lahaa sababtoo ah waxaan u malaynayay in suurtogal tahay in aanan dib ugu soo laabanin kubadda.”
Michael Ngoo ayaa sannadkii 2014 waxa uu u hadlay si ka duwan waraysigan dambe, waxaanu waqtigaas yidhi: “Waxaan u sheegay dhakhaatiirta in Van Dijk oo uu isku dayey in uu ii dhameeyo. Ka hor taakalka waxa jiray ereyo yar oo aanu is dhaafsanay. Kaddibna xagga dambe ayuu igaga yimid.”
Ugu dambayntii, Michael Ngoo wuxuu iska cafiyey Van Dijk, waxaanu yidhi: “Van Dijk wuu i raalligeliyey isagoo iisoo maraya saaxiibkay John Guidetti oo waqtigaas amaah ku joogay Celtic. Dhaawacu wuu dhacay, laakiin wax cuqdad ah uma qabo.”
Michael Ngoo ayaa sannadkii 2017kii wuxuu ku biiray naadiga reer Albania ee Tirana oo uu u ciyaaray 72 kulan, laakiin wuxuu ka tegay horraantii sannadkan isagoo ku biiray naadiga Enosis Neon Paralimni ee waddanka Cyprus.”