“Waa Ciyaartoy Kulan Weyn” – Cesc Fabregas Oo Xiddig Chelsea Ah

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa amaan kala dul-dhacay kubad dilaha kooxdaas ee N’Golo Kante kaddib bandhigiisii cajiibka ahaa ee uu ka sameeyay kulankii ay xalay bar-bardhaca lasoo galeen dhigooda Actual Madrid oo ay gegida Alfredo Di Stefano ku booqdeen.

- Advertisement -

Kooxda tababare Thomas Tuchel ayaa gool xilli hore ah ku dhalisay caasimada Spain iyaga oo ka helay Christian Pulisic balse daqiiqado kaddib ayuu gool cajiib ah ku kansalay Karim Benzema.

Laakiin waxa soo jiitay Fabregas oo 2019 ka tagay Chelsea kuna biiray kooxdiisa hadda ee AS Monaco ayaa ahaa qaab ciyaareedkii Kante oo lavatory doortay xiddigii ugu fiicnaa ciyaartaas.

33 sano jirka ree Spain ayaa intii kulanku socday bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “N’Golo waxa uu markasta ahaa ciyaaryahan kulan weyn, waligaa haka shakiyin isaga”

Fabregas iyo Kante ayaa laba xilli ciyaareed iyo badh kasoo wada ciyaaray Stamford Bridge iyaga oo si wadajir ah ugu soo guuleystay horyaal Premier League ah iyo FA Cup.

Kante ayaa isagu baaqi kusii ahaaday Blues kaddib bixitaankii Fabregas isaga oo hadda lamaane khadka dhexe ee Blues kula ah Jorginho oo ay udub-dhaxaad u wada yihiin shaxda Tuchel.

Fabregas ayaan ahayn shaqsiga kaliya ee magaca ku dhex leh kubadda cagta ee xalay ka helay qaab ciyaareedka Kante balse xiddiga ree France ayaa helay aqoonsi caalami ah, halyeeyga kubadda cagta England ee Gary Lineker ayaa kamid ahaa shaqsiyaadka amaanay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More