Browsing Tag

Rag

Dhuusamareeb oo lagu toogtay rag horay u dilay Dhaqtar iyo Macalin Dugsi Quraan Walaalo ahaa

 Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) - Maxkamada gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay sadax nin oo lagu helay iney ka dambeeyeen dil horay loogu geystay Dhaqtar iyo Macalin Dugsi Quraan oo walaalo ahaa.Sadaxdaan nin ee maanta la toogtay ayaa lagu magacaabaa Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax iyo Bile Cabdullahi Xasan.Ragaan ayaa deegaanka Ilix oo ka tirsan deegaanada hoostaga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud si bareer ah ugu dilay Axmed Xasan Cismaan oo ahaa Dhaqtar iyo Macalin…

Waqooyi Bari oo xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo ku ridday rag loo haysto inay katirsan yihiin Alshabaab

Talaado, May, 21, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Waqooyi Bari ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo ku ridday afar eedaysane oo lagu helay inay xiriir laleeyihiin kooxda Alshabaab.Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Axmed (Qeyliye) ayaa lagu helay inuu heshiis kula jiray horjoogaha kooxda Alshabaab ee Waqooyi Bari.Maxkamaddu waxay sheegtay eedeysanahan inuu Shabaab u qaabilsanaa inuu u kaxeeyo gaadiidka lagu soo qaado dableyda kooxda Shabaab u qaabilsan dilalka qorshaysan.Maxkamaddu…

Boosaso: Rag loo haysto inay Alshabaab la shaqayn jireen oo lasoo taagay maxkamadda ciidamada Waqooyi Bari

Isniin, May, 20, 2024 (AX) - Shan nin oo loo haysto inay kooxda Alshabaab la shaqeyn jireen ayaa lasoo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Waqooyi Bari xarunteeda magaalada Boosaaso.Raggaan ayaa lagusoo eedeeyay dambi ah, inay gaadiidkooda ugu adeegi jireen Alshabaab, iyagoo usoo qaadi jiray xubnaha Shabaabka ee ku sugan dhulka buuraleyda ah si ay howlgallo dilal ah uga fuliyaan magaalada Boosaaso.Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay in raggaan lagusoo qabtay markii dabagal lagu sameeyay labo…

Jubbaland oo qabatay rag abaabulayay weerarro burcad badeednimo ah

 Axad, April, 5, 2024 (AX) - Ciidamada Booliiska ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay 4 nin oo looga shakisan yahay in ay yihiin Burcad Badeed, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weeraro ay ku qaadaan Maraakiibta ku sugan Biyaha Soomaaliya.Laba tuhmane ayaa la sheegay inay baxsadeen. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaan magaalo xeebeedka Kismaayo u jira qiyaastii 70km oo ah dhanka koonfureed.Laamaha amniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen liis dheer oo ay ku jiraan shakhsiyaad saami ku lahaa…

Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan dil loo geystay Wiil yar

Jimco, April, 3, 2024 (AX) - Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa shaaca qaaday iney gacanta ku soo dhigeen rag ku eedeysan dil ay horey ugu geysteen Wiil Arday ahaa.Ragaan Booliiska gobolka Banaadir uu gacanta kusoo dhigay ayaa ka kooban 3 ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku eedeysan dilka Cabdullaahi Cabdi Isaaq oo 18 jir ahaa. Eedeysanayaashaan Booliiska gobolka Banaadir uu gacan kusoo dhigay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Axmed Cadow,…

Rag hubeysan ayaa seddex ku dilay magaalada Muqdisho

Duqa, gaar ahaan buundooyinka maanta waxaa lagu dilay seddex wiil oo dhalinyaro ah, waxaana fuliyay koox wata gaari ay leeyihiin raaxada mustaqbalka dadka deegaanka. Ka dib markii uu ka cararay goob lagu toogto, ciidamada amniga ayaa goobta gaaray iyagoo sameeyay baaritaanka in la dilo dadkuna ay ka shakiyaan. Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa ku soo kordhayay dilalka ay geysanayaan kooxaha hubeysan, inkasta oo hay’adaha amniga dowladda Federaalka aysan ka hadlin falalkan…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More